Somaliland: Askar lagu dallacsiiyay dareen waddaniyadeed

Hargeysa (Berberanews) –Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Gen. Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale, ayaa dalacsiiyay 5 askari oo muuqaaladoodu baraha bulshada ku baaheen, iyagoo la dabaaldagaya bulshada banaanbaxyadii lagu taageerayay dooda Baarlamaanka Ingiriisku ka yeeshay aqoonsiga Somaliland.

Askarta kala ah K/k Cabdirashiid jaamac Cawad, L/Ale Sagal Cabdilaahi Xuseen, L/Ale Ayaan Baashe Maxamuud, L/Ale Cabdi Asker Mahamed iyo D/le Mukhtaar Ibraahim Jabrill, ayaa la abaal mariyay kadib markii la arkay iyaga oo qoob ka ciyaar la ciyaaraya dadwaynihii kasoo qayb galay banaanbaxa, iyagoo sidoo kale nabada ilaalinaya.

“Ciidankan ayuu taliyuhu dalacsiiyay min hal darajo marka laga reebo K/k 5638 Cabdirashiid Jaamac Cawad oo uu dalacsiiyay laba darajo”Ayaa lagu yidhi warbixin booliisku soo saaray.

Ciidankan ayaa ka tirsanaa qaybta galbeedka Hargeysa gaar ahaan saldhiga dhexe halka hal gabadhna ka tirsantahay Ciidanka Dawalada Hoose Hargeysa.

Berberanews.com
Info@berberanews.com