Golaha Guurtida oo soo Gunaanaday Dood uu ka yeeshay horumarinta jidadka iyo dhallinyarada

Hargeysa –(Berberanews)-Mudnayaasha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo gunaanaday dood ay ka yeesheen horumarinta jidadka dalka iyo sidoo kale arrimaha dhallinyarada.

Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida Somaliland oo uu shirguddoominayey guddoomi Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa waxa mudanayashu ay dood dheer ka yeesheen ahmiyadda waddooyinka iyo jidadku ay u leeyihiin waddanka, iyagoo masuuliyiinta dawladda hoose ee Hargeysa ku bogaadiyay shaqada ay ka wadaan magaalada ee dib u casriyaynta waddooyinka qaar.

Mudnayaashu waxay uga mahadceliyeen dawladda hoose ee Hargeysa bannaynta jidka halbawlaha ah ee caasimadda, iyagoo maayarrada kale ee degmooyinka dalkana u soo jeediyay inay horumariyaan, dayactiraanna waddooyinka muhiimka ah ee magaalooyinka dhexmara, si isku socodka bulshadu uu fududaado.
Geesta kale, qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Guurtida ayaa ka dalbaday xukuumadda in ay dhisto waddada isku xidha caasimadda Hargeysa iyo magaalada Burco, iyo sidoo kale in xal loo helo shilalka gaadiidka ka dhasha oo dalka ku soo noqnoqday beryahan dambe.
Dhinaca kale, mudanayaasha Golaha Guurtidu waxay dood ka yeesheen horumarinta dhallinyarada Somaliland, iyagoo sheegay inay laga maarmaan tahay in dhallinta oo ah bulshada soo socota ee dalka lagala dagaallamo balwadaha la qabatimo, isla markaana laga wacyigeliyo tahriibka iyo wax kasta oo dhib u keenaya.

Berberanews.com
Info@berberanews.com