Masar oo wada Mashruuc lagu ballaadhinayo Marin-biyoodka Suez

Egypt-(Berberanews)-Mashruuc lagu balaadhinayo qaybo ka mid ah kanaalka Suweys ayaa la filayaa in la dhammeeyo ka dib laba sano oo shaqo ka socotay 2023, guddoomiyaha maamulka Kanaalka Suweys (SCA) ayaa Axaddii sheegay.

Maamulku waxa ay ku dhawaaqeen qorshayaal la dedejiyey oo lagu kordhinayo kanaalka labaad iyo in la balaadhiyo kanaalka jira ka dib markii markabkii Ever Given uu ku xayirmay oo uu xidhay marin biyoodka lix maalmood sannadkii hore. “Mashruucu waxa uu ku dhamaan doonaa 24 bilood, waxa aanu bilownay July 2021, hadii ALLE idmo waxa aanu dhamayn doonaa July 2023” sidaa waxa yidhi Guddoomiye Osama Rabie oo ka hadlayay munaasibad ka dhacday Dubai.

“Maraakiibtu waxay maraan kanaalka iyagoo kolonyo ah, kordhinta haadka labaad waxay ballaadhin doontaa awoodda lix markab, ayuu yidhi Rabie,

30 kiiloomitir ee ugu koonfureedaysa kanaalka, halka Ever Given uu xidhay, ayaa lagu wadaa in la balaadhiyo 40 mitir dhanka bari oo la qodo dhererka, sida ku cad qorshooyinka hore loo shaaciyay.

“Tani waxay hagaajinaysaa socodka markabka 28% qaybtan adag ee kanaalka,” ayuu yidhi Rabie.

Maamulka Kanaalka Suweys iyo shirkadaheeda ayaa horumarinayey mashruuca oo dhan, ayuu yidhi.

Mar wax laga weydiiyey shixnadaha Shidaalka ama Saliidda Iiraan ee mara marinka Suweys inkasta oo uu Maraykanku cunaqabatayn saaray iibinta saliidda Iran, waxa uu yidhi: “Ma jirto takoorid marka ay timaaddo calanka waddan ee maraakiibta, saliidda Iran-na waxa ay soo martaa kanaalka.”

Ururka Xisbullah ee Lubnaan ayaa sannadkii hore soo dhoofsaday shidaalka Iran, tallaabadaas oo ay ku sheegtay inay uga gol lahayd inay wax kaga qabato shiidaal yaraanta.
Shixnadaha ayaa la soo mariyay Suuriya si looga fogaado dhibaatooyinka cunaqabataynta.

Berberanews.com
Info@berberanews.com