Imaaraadka oo heshiis 19 milyan oo dollar ah la galay Faransiiska

Dubai-(Berberanews)-Horaantii bishan, madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa booqasho ku tagay dalalka Imaaraadka, Qatar iyo Sacuudiga.

Imaaraatku waxa uu la yimid lacag dhan 19 bilyan oo dollar 80 diyaaradood oo nooca Rafale iyo 12 helicopter ah oo militari ah.

Tallaabadan ayaa xigtay, ka dib markii Imaaraadku uu todobaadkii hore joojiyay iibintiisa gaarka ahayd ee 23 bilyan oo doolar oo hub ah uu Maraykankan kaga iibsan lahaa.

Macron ayaa difaacay booqashada, isagoo u sheegay warfidiyeenka Dubai: “Sideen u ilaalin karnaa nabadda iyo xasilloonida Bariga Dhexe haddii aan nidhaahno, ‘Ma lahadli doono Sucuudiga, oo ah waddanka ugu dadka badan uguna awoodda badan Khaliijka?’ “Sida ay qortay France24.

Dabcan, muddo qarni ku dhow, Maraykanku wuxuu ahaa xulafada ugu sarreeya iyo shuraakada guud ahaan gacanka Carabta — laga soo bilaabo Sacuudi Carabiya lafteeda, iyada oo loo sii marayo Kuwait, oo Maraykanku xoreeyay ka dib markii Saddam Hussein uu qabsaday 1990, ilaa Emirates, iyo Hanti badan oo saliid iyo gaas ah iyo halka maraakiibta badda ee Maraykanku ay ku soo xirtaan tobanaan sano.