Soomaaliya: Sirdoonka Galmudug oo ku qabtay Gaalkacayo rag looga shakiyey Al-shabaab

GAALKACAYO —(Berberanews)-Taliyaha Nabadsugidda magaalada Gaalkacayo dhanka maamul-goboleedka Soomaaliya ee Galmudug Gaashaanle Xasan Axmed Cali, ayaa xaqiijiyey in hawlgal ciidammada NISA ka fuliyeen koonfurta Gaalkacayo xalay lagu qabtay afar dhallinyaro ah oo looga shakiyey inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.
Taliye Xasan ayaa sidoo kale sheegay in howlgalku uu ahaa mid qorshaysan oo lagaga hortagayo falal amni darrada ah oo Al-Shabaab qprshaynayaan inay ka geystaan Gaalkacyo.
Magaalada Galkacyo, dhanka maamul-goboleedka Galmudug oo la filayo in lagu qabto doorashada 11 xildhibaan, waxa ka socda hawlgallo lagu xaqijinayo amniga.
Taliyaha NISA ee Galmudug ayaa sheegay inay hayaan xog ku aaddan in malleeshiyada Al-Shabaab ay qorshaynayaan in magaalada Gaalkacyo ka geystaan falal lagu carqaladeynayo nabagalyada doorashada.