“Golaha waxa laga sugayaa faafinta Xeer 14” Xildh mustafe Khayreeye

Hargeysa-(Berberanews)-Xildhibaan Mustafe Khayreeye oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay in Xildhibaannada Wakiillada looga fadhiyo faafinta Xeerka Furista ururrada iuo Asxaabta qaranka, islamarkaana aan loo baahnayn in dood la geliy.

“Golaha waxa laga sugayaa kaliya faafinta xeer lanbar 14 oo ah dhaqan gal ,saxna ma aha in lagu wareegaaleysto dood jaban oo aan lahayn nuxur sharci,waxa haboon in mudayaashii umadu soo dooratey hadii aanu nahay aanaan  ixtiraamin Xisbi iyo aragti siyaasadeed oo dhaawaceysa shuruucdii dalka u taaley,”.
Xildhibaan Mustafe Axmed Khayre oo ka tirsan Golaha Wakiilada.

Aragti sharci

Wakhtiga la gudbiyey ee golihii hore gudbiyey 29 bishii lixaad ee 2021.
Wakhtiga ku taariikheysan saxeexa Madaxweynaha 20 bishii lixaad ee 2021.
Wakhtiga golaha lagu soo celiyey ee goluhu ka qabtey Xafiiska Madaxweynaha oo ku taariikheysan 21 bisha sideedaad ee 2021
Wuxuba waxay ku cadyihiin waraaqda yellowga ah.
Wakhtiga sharciga ah waa wakhtiga jawaabta madaxwaynuhu kusoo gaadhay golaha ee uu kusoo celiyay..
Sida uu kheexayo qodobka dastuuriga ah ee 77(6)oo si waafi ah uga jawaabaya taariikhiyan ta la dabaqayo .
Sidoo kale xeer hoosaadkii golaha 34 (18)ka jawaabeysa xaaladan sida looga gudbayo

Arinkani ma aha arin dood sharci la galiyo waa arin cad oo aan madmadow ku jirin , yaan umada la jaahwareerin kaliyaata waxa haboon in mudayaashii umadu soo dooratey hadii aanu nahay aananu ixtiraamin Xisbi iyo aragti siyaasadeed oo dhaawaceysa shuruucdii dalka u taaley , Golaha waxa laga sugayaa kaliya faafinta xeer lanbar 14 oo ah dhaqan gal , saxna ma aha in lagu wareegaaleysto dood jaban oo aan lahayn nuxur sharci .

Mustafe Axmed Khayre oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland ayaa sidaa soo dhigay bartiisa.