Weerar toos ah oo lala beegsaday xarunta ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin galbeedka magaalada Baladweyne

Baladweyne:(Berberanews)-Faah faahin dheeri ah ayaa laga helayaa qarax ismiidaamin ahaa iyo weerar toos ah oo lala beegsaday xarunta ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin galbeedka magaalada Baladweyne, waxaana sii kordhaya dhimashada iyo dhaawaca askarta iyo dadka shacabka kasoo gaadhay weerarkaasi.

Laba iyo toban qof oo isugu jira askarta Jabuuti iyo dad shacab ah ayaa ku naf waayay weerarkaasi oo ku bilowday qarax gaadhi laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lagu qariyay balka xoolaha lasiiyo, markii uu ku qarxay iridka hore ee saldhiga ciidamada Jabuuti ee xaafada Howlwadaag ayaa waxaa xigay iska horimaad  dhex maray ciidamada Jabuuti iyo maliishiyada Al-Shabaab kuwaasi oo gaadhayay ilaa toban.qarax-lala-beegsaday-saldhig-ciidanka-jabuuti-ku-leeyihiin-beledweyn

Fariimo la soo dhigay barta rasmiga ah ee Twitterka ee Amisom ayaa lagu sheegay in weerarka ka qeyb qaateen rag 10 gaadhaya oo hubeysan oo soo weeraray saldhiga markii uu qaraxa ismiidaaminta dhacay kadib, dhamaantoodna la dilay.

Saldhiga Ciidamada Jabuuti ee galbeedka magaalada Beledweyn ayaa u dhow suuq, waxaana la sheegayaa in qaraxa uu saameeyay dad ku ganacsanayay suuqa.

Ciidamada Jabuuti iyo kuwa dowladda ayaa gebi ahaanba xanibay isu socodka magaalada Beledweyn, iyagoo isku gedaamay saldhiga weerarka lala beegsaday.

Ururka Al-SHabaab ayaa sheegtay inuu weerarkaan soo qaaday isla markaana ku dileen 17 askari oo ka tirsan kuwa AMISOM ee Jabuuti ka socda.