Prof: Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo taageero u muujiyay Cirro

Hargeysa(Berberanews):- Siyaasiga Prof: Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo hadda ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa sheegay in Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee Waddani Cabdiqaadir Jirde hawsha u taallaa tahay inuu Kursiga ku fadhiisiyo Musharrax Cabdiraxmaan-Cirro, isla markaana waxa uu sheegay in Kulmiye hadduu ku dhac leeyahay looga baahan yahay tallaabada Waddani oo kale.

Ismaaciil Buubbaa, waxa uu sheegay inay tahay wax Somaliland Siyaasaddeeda ku cusub, horumarna ah tallaabada uu Guddoomiyihii Waddani Cabdiraxmaan-Cirro markuu Musharraxa noqday ku banneeyey jagada Guddoomiyennimada Xisbigaas, waxaanu intaas ku daray inay taasi sidoo kale tahay caqabad hor-taalla Xisbiga talada haya ee Kulmiye oo looga baahan yahay hadday ku dhac leeyihiin inay sidaas oo kale sameeyaan.

Waxa uu Prof: Buubaa oo ka hadlay Kulan Qado ah oo Waddani ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa uu tilmaamay heerka horumarka Siyaasadda Somaliland, waxaanannu hadalkiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-