Xukuumadda Somaliland Maxay Ka Tidhi Safarka Ay Turkiga Ku Joogaan Wasiirrada Arrimaha Dibada Iyo Madaxtooyada

Hargeysa  (Berbera news) Wasiir ku xigeenka arrimaha dibada Somaliland Axmed Aadan Ismaaciil (Kayse), ayaa beeniyay in safarka ay  Wasiirradda arrimaha dibada iyo Madaxtooyada Dr. Sacad Cali Shirre iyo Maxamuud Xaashi Cabdi dalka Turkiga aanu la xidhidhin wadahadaladii Somaliland iyo Somalia u socday ee sannadkii hore hakaday, waxaanu sheegay inay dawladda Turkiga martiqaad ka heleen.

 IMG_AEA053-5282F7-008F41-17D882-4E2791-B06F4A

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibada oo  maanta shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa waxa kale oo uu ka hadlay wefti ka kooban Aqoonyahano oo ka kala socday Somaliland iyo Somalia oo ku kulmay Turkiga.

Halkan ka daawo.

Berbera news. Hargeysa