Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay In Beesha Caalamku Aanay Walaac Ka Qabin Dib U Dhac Ku Yimaada Doorashooyinka

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Arrimaha dibada iyo Iskaashiga Caalmiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali shirre, ayaa sheegay in  aanu jirin wax walaac ay oo ay wadamada Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka iyo Dimuquraadiyada ay ka qabaan dib u dhac ku yimaada doorashooyinka, waxaanu xusay in Madaxweyne Siilaanyo hore u sheegay in doorashadu wakhtigeeda ku qabsoomayso.

mqdefault

Wasiirka arrimaha dibada Dr. Sacad Cali  Shirre oo waraysi siiyay Telefishanka Somali Channel waxa kale oo uu ka hadlay   Wasiir ka tirsan dawladda Jarmalka oo qorshaynayay inuu safar ku yimaado Somaliland, kaas oo la sheegay inuu uga baaqaday safarkiisa xidhiidh la’aan dhinaca Xukuumadda.

Wefti ka socday dawlada Masar oo dhawaan socdaal ku yimid Somaliland ayaa la sheegay inay markii dib ugu laabteen masar ay cadeeyeen in mawqifkoodu yahay midnimada Somalia, ayaa Wasiirka la weydiiyay  arrintaasi  siday Xukuumadd ahaan u arkaan.

Halkan ka daawo.

Berbera news. Hargeysa