“waxaan raaligelin u dirayaa dhamaan qaranka somaliland..” Boqor Buur-madow

Hargeysa(Berberanews)-Boqor  cismaan aw maxamuud buurmadow ayaa raali gelin ka bixiyay, eedaymo uu hore ugu jeediyay maamulka gobolka saaxil, sidoo kale waxa uu ugu baaqay bulshada, in la ilaaliyo nabad gelyada dalka, boqorku waxa uu u mahad celiyay cid walba oo gacan ka geysatay, qabqabashada dablaydii dilka geysatay boqorku isagoo arimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi
“Raaligelin.  waxaan marlabaad iyo marsadexaad umahadnaqayaa xukuumada somaaliland siday wax ugaqabatay dhacdadii fooshaxumayd ee dilkii gaashaanle cabdirisaaq. Waxaankale oo umahadnaqayaa beeshii aanu walaalaha ahayn ee ay kasoo jeedeen gacanku dhiiglayaashu oo sidaacad ulashaqeeyey xukuumada qaybna ka ahaa qabashadii gacankudhiiglayaasha iyaga oo muujiyey ficilo lagu samri karo.waxaan qirayaa aniga laftigay iyo madaxdhaqameedkii beeshayadu inaanu si adag uhadalay waxaana jirtay hadaladayada inay qaarkood ubaahnaayeen tifatirid. Waxaynu nahay bini aadmi sax iyo khaladba kadhicikaro. Siiba markay dhaydhacdo geeri culus.waxaynu.og nahay markii uu geeriyooday rasuulkeenii suubanaa siday wax ugabedeshay cumarbinikhadaab jeeruu yidhaahdo cida tidhaahda nebigii wuu dhintay inaan qoorta kagooyo ilaa abiibakar aayad akhriyey inaga oo og indadkani yahay dadwalaalo ah oo aankalamaarmayn. Hadlkaas nagama keenin dhacdo keliya waxaa jirtay inamadu inayku kaceen sadexdhacdo ookahoreeyey hadaba si aanu udejino beeshayada unadareensiino walaahayo dhacdooyinkaasi inay keenikaraan dhib ayaan waxkaqabankarin ayaa kaliftay inaanu hadalka taagno. Maadaama gacanta lagu hayo cidii dilka gaysatay. Dhinacyadana aynukawada taaganahay sharcigana ay horjoogaan maanta. Waxaan raaligelin buuxda kabixinayaa wixii hadalxagayaga kadhacay ee aankuhaboonayn meesha waxa kale oo aanraaligelika bixinayaa qoraaladii Facebook ee dadkii kacsanaa aanay umiidaan deyin. Anaga sida madaxdii qaranku kahadashay waxa denbiile ah cidii aykulagalgashaan ragii denbiga galay ooqudha ama hay adaha cadaaladu waxku cadeeyaan waxa kale oo aan aad ugu mahadnaqayaa gudoomiyaha xisbiga kulmiye muuse biixi cabdi iyo gudoomiyaha xisbiga ucid oo noo muujiyey walaaltinimo iyo tolnimo gaar ah tacsidii kaqaybgalkeediina natus ehelnimo waxa kale oo aan umahadnaqayaa dhamaan madaxdii iyo aqoonyahankii kakoobnaa dhamaan somaaliland waxa kale oo aan umahadnaqayaa madaxdhaqameedka reerboorama ee tacsida noosoo diray iyada oo ay jirtay inaanu si adag u weeraray maayarka berbera iyo maareeyaha dekeda waxaan ku amaanayaa sidaanay isugelin oo a yweliba uga qayb ahaayeen baadidoonkii gacankudhiiglayaasha ama tacsidii uga qayb qaateen. Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa suldaan maxamed maxamuud xandule indhacase iyo suldaan tuulo iyo wasiir cali dhegoole doorkii ay kaqaateen waxaanu diyaar unahay in xaajada wixii danbe aan la siyaasadayn ee loogalo si miisaaman waxaan kale oo u mahadnaqayaa dhamaan beelaha habarjeclo oo ku dedaalay inay isxakameeyaan waxaan raaligelin u dirayaa dhamaan qaranka somaaliland wixii hadal ah ee cadawga kafarxiyey waxaan kale oo cadaynayaa in uu xidhiidhkii iyo xeegaantii beeluhu sidiisii ahaan doono wabillaahi tawfiiq