Magaalo dumarka la guursado sanado laga maqnaado

Bbc-(Berberanews)-Waxaa jirta magaalo ku taal galbeedka Afrika oo ragga dhaqan u noqotay inay ka tagaan oo shaqo u raadsadaan dalka Talyaaniga. Haweenka badanaaba waxaa laga maqnaadaa muddo sannado ah ama xataa tobannaan sano. Laakiin magaalada Beguedo ee dalka Burkina Faso keligeed sidaasi kama dhacdo. Waxaa jira magaalooyin kale oo ka tirsan Afrika oo arrintaas oo kale ay ka dhacdo, iyadoo raggu ay u dhoofaan waddammada deriska ah ama Yurub iyagoo rajeynaya inay ka helaan shaqooyin mushahar wanaagsan leh.

Sidee bulsho u noolaan kartaa marka ragga iyo xaasaskoodu ay ku kala nool yihiin dhul kala fog kumannaan mayl?

Alimata Bara mar walba way qoslaysaa, mar walba kaftamaysa. Maanta waxay ku qoslaysaa nasiib xumadeeda, inay noqotay xaas aan nin haysan. Toddoba sano kahor, iyadoo 17 jir ah, waxay guursatay nin Talyaani ah, oo ka shaqeeya dalka Talyaaniga.

“Waxaan ku kulannay suuqa, waxaana aan bilawnay sheeko,” ayay tiri. ” kaddib waxaa uu waalidiinteyda u keenay nooc lows ah. Muddo toban maalmood gudahood ah waan is-guursannay.”

Waayadii hore, waxay qaadan jirtay bilooyin si loo qabanqaabiyo guur ka dhaca deegaan miyi sidaan oo kale ah. Ninka gabadha la siinayo waxaa uu ka shaqeyn jiray beerta waalidiinteeda, kalsooni ayuu ka kasban jiray, waxaa uu muujin jiray inuu masruufi karo nin fiicanna u noqonayo haweeneyda uu jeclaaday.

Laakiin hadda, bilooyinkii waxay isu-beddeleen toddobaadyo, mararka qaarkoodna maalmo, marka ninka guurdoonka ah uu fasax ku yimaad uuna Yurub ku laaban rabo.

Tan iyo markii ay guursatay, Alimata waxay ninkeeda la joogtay muddo lix bilood ka yar. Waxay haysataa gabar la yiraa Omayma, oo hadda lix jir ah. Canugga 2aad ee lammaanahan, oo ah wiil dhiblow ah oo saddex jir ah laguna magacaabo Obaidou, waxaa uu aabbihiis arkay mar keliya.

Magaalada Beguedo, oo 230KM ama 140 mayl dhinaca koofur bari ka xigta caasimadda Ougadougou, haween fara badan ayaa la qaba xaaladda Alimata ay ku jirto. Nematou, oo ku nool meel aad ugu dhow Alimata, waxaa qaba Saada Walaalkiis, waxaana uu isaguna ka shaqeystaa dibadda.

Nematou iyo Alimata da’doodu waa isku mid oo kale, waxayna labadoodu noqdeen kuwo isku dhow, iyagoo wadaagaya dhibaatooyinka korinta ilmahooda, kaftanna ka sameynaya intii karaankooda ah.

Kala bar hooyooyinka tuulada xaaladdaas oo kale ayaa haysata, sida uu sheegay duqii hore ee magaalada, Beatrice Bara.

Waa cawaaqib xumo aan hore loo arag oo ka dhalatay kumannaan rag Afrikaan ah oo waddammadooda uga haajiraya Yurub.

Marka ay guursadaan, raggu waxay ballan qaadaan inay marar badan soo noqnoqon doonaan, ama ay xaasaskooda masruufan doonaan marka ay si wanaagsan u degaan dalka ay u shaqa tageen. Qaarkood sidaas way sameeyaan. Laakiin taasi waxay ahayd kahor burburkii dhaqaalaha adduunka, iyo kahor intii Yurub aysan isu-beddelin dhufeys.

Markii Alimata ay guursatay Saada sanadkii 2008, waxay u maleynaysay inay isla markiiba ugu tegi doonto dalka Talyaaniga. ” Wuxuu u maleynayay inuu isoo wadi doono, laakiin shaqa la’aan ayuu noqday isla markiiba,” ayay sheegtay.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo Saada uu awood u yeeshay inuu guri hal qol ah Alimata uga dhex dhiso dhulka waalidiintiisa, haddana marnaba kuma aanu guulaysan inuu Talyaaniga lacag badan ka soo diro, waxaa uu ilaa iyo hadda soo diray 25 dollar oo keliya, oo bilooyin u dhexeeyeen.

Nasiib wanaagsan marnaba iyadu kuma tiirsanayn lacagta Saada oo keliya. Waxay bilawday ganacsi yar oo dhuxul ay iibiso. Waxay kaloo iibisa qayb ka mid ah wixii beerta uga soo go’a, sidaas ayeyna isu-bixisaa.

Rag xaasas lahaa oo la waayay

Riyadii haajiridda magaalo ayaa dib loogu sheegay

Qaar ka mid ah waddooyinka Beguedo, oo iyadu ah magaala yar oo 230km ama 140 mayl dhinaca koofur bari ka xigta caasimadda Burkina Faso ee Ougadougou, carshaan caws ka sameysan ayaa ku dheggan guryo waaweyn.

Guryaha waaweyn waxaa iska leh Talyaanigii hore, kuwii iyagu Yurub soo aadey kahor burburkii dhaqaalaha, kana helay fursado ka badan Talyaaniga cusub ee markii dambe ka daba yimidhelay.

Mominata Sambara ninkeedu waxaa uu Talyaaniga tegay muddo laga joogo 30 sano ka badan, isagoo si joogto ah u soo noqnoqonayay si ay lammaanuhu u dhalaan toddoba carruur ah.

” Arrimuhu si wanaagsan ayay u dhaceen. Bil walba waxaa uu soo dirayay lacag dhan qiyaastii konton Geniga Ingiriiska ah. Guri ayuu inoo dhisay ,” ayay tiri, iyadoo ku fadhida firaash qurux badan gurigeeda hortiisa, oo leh baranda ballaaran, telefoon wicitaankiisa albaabka lagu furo iyo dish satelayt ah.

” Laakiin arrimuhu hadda sidii hore way ka duwan yihiin,” ayay tiri.

Dhallinyarada magaalada Beguedo weli waxay rumaysan yihiin in cawska Talyaanigu ka cagaaran yahay kooda, waxaa laga yaabaa inay ugu wacan tahay kuwa soo noqonaya oo muujiya guushooda hase ahaatee qariya dhibaatooyinka ay la kulmeen.” Dadka dhoofay hase yeeshee aan dibadda lacag kala iman waa la cambaareeyaa, inta badanna xataa kuma laabtaan tuulooyinkoodii si ay u joogaan”, ayuu sheegay professor Mahamadou Zongo, oo cilmiga bulshada ka dhiga jaamacadda Ougadougou.

” Waxay aadaan caasimadda halkaas oo ay ku dhuuman karaan.”

Riyada Talyaani u dhoofidda waxay saameysay tegidda dugsiyada magaalada Beguedo. Dhallinyaradu waxay lumisay xiisaha waxbarashada sababtoo ah iyagoo sameynaya waxa ay la tahay inay lacag degdeg ah kaga helayaan Talyaaniga, halka haweenka dhallinyarada ah ay mararka qaarkood school-ada isaga tagaan si ay niman Talyaani ah u guursadaan.

Hase ahaatee Zongo waxaa uu sheegayaa in haweenka qaar ay soo baranayaan dhibaatooyinka ay arrintaasi leedahay. ” Inta u dhexeysa meherka iyo meesha ku xigta ee ninka tuulada jooga, waxaa ku jiri karta shan, lix ama toddoba sano,” ayuu sheegay.

” Isla mar ahaantaas, naagtu waxay la noolaanaysaa qoyska ninkeeda. Waa inay noqotaa qof daacad ah oo miskiin ah. Isha ayaa lagu haynayaa. Waxaa lagu nici karaa hal ceeb oo ay yeelato.”

Markaasi kaddibna waxay halis ugu jirtaa in la guursado naag kheyrkeed ah, sida ay caddeynayso Adiassa oo 50 jir ah ( magaceeda runta ma ahan).

Ninkeeda oo 30 jir ah waxaa uu Talyaaniga ku nolaa muddo 20 sano ah, waxaana uu xataa halkaas geeyay laba wiil oo ay dhaleen si ugu noolaadaan ugana shaqeystaan.

” Bilawgii, arrimuhu way fiicnaayeen, labadii sanadaba mar ayuu imaanayay, lacag fiican ayuuna soo dirayay, ” ayay sheegtay, iyadoo xijaabka madaxa ku toosinaysa.

“Haa, arrimuhu runtii way fiicnaayeen,” ayay ku celisay, iyadoo dibnaha nuugeysa sidii inay wax dhunkanayso oo kale.

Laakiin lix sano kahor ninkeedu waxaa uu u sheegay inuu qorsheynayo inuu xaas 2aad guursado. ” I did not agree. Ma jirto naag doonaysa in ninkeedu uu naag kale la guursado, laakiin wax kala doorasho ima siin.”

Dadka Bissa ee ku nool magaalada Beguedo iyo deegaannada ku wareegsan ee dalka Burkina Faso waa Muslimiin. Guursiga naagaha badan dhaqankooda ayaa oggol. Saasoo ay tahay dharbaaxo culus ayay ku noqotay Adiassa markii ninkeedu uu la guursaday gabar aad uga da’ yar isla markaana uu dibadda u watay.

Ninkeedu lacag dambe uma soo diro, mana soo waco. Haatan waxay ku tiirsan tahay carruurteeda oo keliya inay daryeelaan.

Awa Sagne wax sidaas oo kale ah ayay soo martay.

Saddex sano kahor, si uu u muujiyo guusha uu ka gaaray Talyaaniga, ninkeedu waxaa uu guursaday naag 2aad. Kaddib sannado badan oo nolosha ay la halgamaysay, Awa, oo 38 jir ah, waxay haatan guriga qoyska la wadaagtaa naag kudhowaad 20 sano ka da’ yar.

Way sahlan tahay in laga helo dharbaaxada ay arritani uga dhigan tahay qabkeeda marka ay ka sheegayso sheeko ku saabsan waqti sannada badan laga joogo, markaas oo ninkeedu uu soo diri jiray lacag yar oo aan wax badan tareyn.

” Mar ayuu ku dhiiraday inuu soo diro qiyaastii laba Geniga Ingiriiska ah maxaan taas ku sameynayaa? Mar kale ayaan eegay baqshadda ay ku jirtay, waan rumaysan waayay, markaas ayaan dib ugu celiyay.”

Kaddib waa ay wacday. ” Waad mahadsan tahay laakiin mahadi ma jirto,” ayay u sheegtay.” Waxaa la ii qaatay inaan shaqa tago oo lacagtaas oo kale anigu soo shaqeysto.”

Waxay ahayd ayaa laga yaabaa sidii siyaasad caymis oo kale oo lagaga hortegayo xaalad noocaan oo kale ah in Malika oo 22 jir ah ( magaceeda runta ma ahan ) ay si tartiib ah u furatay xisaab akawn bangi kaddib markii ay guursatay nin Talyaani ah saddex sano kahor.

Mar kasta oo ay awooddo, lacag yar ayay meel dhigtaa, xataa haddii ay tahay kumiyaal.

” Wax kasta uma sheegi kartid ninkaada. Ma aammini kartid 100%, ” ayay ku doodday.

Xataa haddii uu lacag ku filan u soo diri lahaa, weli way shaqeyn lahayd, ayay sheegtay.

Mahmaah dadka Bissa ayaa soo koobaysa aragtideeda: ” Haddii aad ku seexatid firaash qof kale, waxaa laga yaabaa inaad dhulka jiiftid.”