Isku aadka Champions League-ga

Cayaaro(Berberanews)-Kooxda Arsenal ayaa waxa ay markii saddexaad muddo afar sano gudahood ah ay ciyaaraha Champions League-ga ka hortegi doontaa kooxda Jarmalka ee Bayern Munich, kaddib markii ay wada galeen hal group.

Manchester United waxa ay la ciyaari doontaa PSV Eindhoven, iyadoo weeraryahanka reer Holand ee Memphis Depay uu wajihi doono kooxdiisii hore.

Kooxda Chelsea ayaa waxa ay ka hor iman doontaa kooxda Porto, kooxdaas oo tabaraha Chelsea ee Jose Mourinho uu 2004-tii gaarsiiyay guul lama filaan ah.

150827182413_champions_league_groups_512x288_afp_nocredit

Manchester City ayaa waxa ay ku group noqotay kooxaha Juventus, Sevilla-da ku guulaysatay koobka Europa League-ga iyo kooxda Jarmalka ee Borussia Monchengladbach.

Kooxkasta waxa ay groupyada ku dheeli doontaa lix ciyaar, iyadoo ciyaaraha ugu horreeyana ay dhici doonaan 15-ka iyo 16-ka bisha Sibteembar ee inagu soo fooda leh.

Dhammaan kooxaha Ingiriiska ayaanan ku aadin kooxda difaacanaysa horyaalka ee Barcelona ama Real Madrid oo haysata 10 koob oo ay Horyaalada Yurub ku guulaysatay.

Halkan ka akhriso isku aadka Group-yada:

  • Group A: Paris St-Germain, Real Madrid, Shakhtar Donetsk, Malmo
  • Group B: PSV Eindhoven, Manchester United, CSKA Moscow, VfL Wolfsburg
  • Group C: Benfica, Atletico Madrid, Galatasaray, Astana
  • Group D: Juventus, Manchester City, Sevilla, Borussia Monchengladbach
  • Group E: Barcelona, Bayer Leverkusen, AS Roma, BATE Borisov
  • Group F: Bayern Munich, Arsenal, Olympiakos, Dinamo Zagreb
  • Group G:Chelsea, Porto, Dynamo Kiev, Maccabi Tel-Aviv
  • Group H: Zenit St Petersburg, Valencia, Olympique Lyon, Gent