Wikileaks oo soo bandhigay dedaalkii Daahir Rayaale ee Aqoonsi-raadinta

Hargeysa(Geeska/Wikileaks)-Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa sida ay faafisay shabakadda siraha faafisa ee Wikileaks wuxuu wakhtigii uu Madaxweynaha ahaa Maraykanka ka dalbaday inay taageeraan hawlgal aqoonsi raadis oo uu Midowga Afrika ka dhex waday.

Daahir Rayaale Kaahin oo wakhtigaas la kulmay masuuliyiinta Maraykan ah, wuxuu sheegay in dadka reer Somaliland ka gudbeen khilaafkii colaadaha ee wadamada jaarka ah ee ay dhaxalsiisay dawladii Maxamed Siyaad Barre, “Dadka reer Somaliland iyagoo aqoonsan in qaranimadu aanay ahayn isirnimo keliya balse lagu dhiso mabaadii iyo caaqiido waxay garwaaqsadeen inay ka gudbaan khilaafkii iyo colaadihii ku ladhnaa raadintii Somaliweyn.” Ayuu ku yidhi Daahir Rayaale Kaahin saraakiishan uu la kulmay oo uu horkacaayay safiirkii Maraykanka u fadhiyay Addis Ababa Donald Yamamoto.DAAHIR RAYAALE KAAHIN

Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu sheegay inuu Midowga Afrika ka dhex waddo olole aqoonsi raadis, isagoo kulamo la yeeshay hoggaamiyayaasha Ethiopia, Rwanda, Uganda, Tansaaniya iyo Zambiya, kuwaas oo uu ka dalbaday inay kala shaqeeyaan sidii loo aqoonsan lahaa Somaliland. Wuxuu kaloo sheegay in wasiirkiisii khaarajiga Cabdillaahi Maxamed Ducaale uu wakhtigaas u safrayay wadamada Gaana iyo Toogo si uu ugu dhiirigeliyo aqoonsiga Somaliland.

Daahir Rayaale Kaahin wuxuu masuuliyiinta Maraykanka ah u sheegay inuu la kulmay xoghayaha Ingiriiska wakhtigaas u qaabilsanaa arrimaha dibadda iyo wadamada barwaaqo sooranka Lord Sipdis Triesman, kaas oo uu sheegay inay isla garteen inuu wadamada Afrika culays ku saaro aqoonsiga Somaliland, “Waxaan markaas Maraykan ahaan idinka dalbanayaa inaad sidaas Ingiriiska yeeshaan.” Ayuu yidhi Daahir Rayaale Kaahin.