Marwo Kaltuun Xaaji Daahir oo Hambalyo u Dirtay Shacbiga Reer Somaliland iyo Xisbiga Talada Haya ee Itoobiya

Hargeysa (Berberanews)- Marwo Kaltuun Xaaji Daahir oo ahayd xaaska madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ayaa shacabka reer Somaliland ku hambalyeysay munaasibadda sannadguurada 55-aad eeka soo wareegtay markii xornimada laga qaatay boqortooyada Ingiriiska 26-ka June 1960.

Marwo Kaltuun oo khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Jamhuuriya caawa, waxa kaloo ay talooyin u dirtay xukuumadda, xisbiyada iyo Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada).

“Waxa aan shacbiga reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan ku hambalyeynayaa sannad-guurada 55aad ee ka soo wareegtay markii aynu xornimada ka qaadanay Boqortooyadda Ingiriiska 26 June 1960, iyadoo xuskaasina ku beegan yahay Jimcaha maanta oo taariikhdu tahay 26 June 2015.Kaltuun-Xaaji-Daahir

Waxa aan leeyahay waa maalin taariikhi ah oo ku weyn qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo astaan u ah in Somaliland ahayd dal madaxbannaan oo xornimo buuxda ka qaatay UK, waxaanna xilligaas aqoonsaday Somaliland ilaa 32 dal oo caalamka ka mid ah, balse nasiib-darro afar maalmood ka dib xornimadaas waxa Somaliland la midawday Soomaaliya oo xornimada ka qaatay dalka Talyaaniga 1 July 1960, balse muddo dheer kadib oo halgan hubaysan la galay, kadib waxa Somaliland dib ula soo noqotay xornimadeeda 18 May 1991-kii, waxayna ictiraaf ka raadinaysaa beesha caalamka, iyadoo ay tahay in la weyneeyo xuska maalinta 26 June oo ah waqtiga aynu xornimada ka qaadanay boqortooyada UK, isla markaana ay aanay maalintaasi ka helin Somaliland xuskii ay mudnayd,” ayey tidhi marwo Kaltuun Xaaji Daahir.

Marwo Kaltuun, ayaa soo jeedisay talo waayeelnimo oo la xidhiidha in xal waara loo raadiyo khilaafka siyaasadeed ee lagu beegay maalinta Somaliland madaxbannaanida ka qaadatay Ingiriiska ee 26 June, waxayna tidhi; “Waxa aan soo jeedinayaa oo aan kula talinayaa dhinacyada ku loolamaya siyaasadda, gaar ahaan saddexda xisbi qaran, xukuumadda iyo baarlamaanka inay si macquul ah, waayeelnimo, odaytinimo iyo waddaninimo ku dheehan tahay, kuna jirto maslaxada Somaliland lagu dhammeeyo khilaafka iyo doodaha la xidhiidha arrimaha doorashooyinka, arrinkuna aannu inaga noqon mindi ku taag mindi, oo aynu arrimaheenna u xallino sidii horeba la inooga bartay ee aynu ku caanno maalnay, caankana ku ahayn.”

Waxa kaloo ay hambalyo iyo bogaadin u dirtay xukuumadda talada haysa ee dalka Itoobiya, gaar ahaan xisbiga muxaafidka ah ee EPRDF oo si weyn ugu guulaystay doorashadii baarlamaanka ee dalka Itoobiya ka dhacday 24 May 2015, balse natiijadeeda rasmiga ah lagu dhawaaqay toddobaadkan, waxayna si gaar ah hambalyo ugu dirtay Ra’iisal-wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn, xukuumadiisa iyo xisbigooda talada haya ee guusha ka gaadhay doorashadii baarlamaanka.