Denmark oo ballanqaaday inay sii xoojinayso taageerada Somaliland

Hargeysa (Jam)- Dawladda Denmark ee qaaradda Yurub, ayaa ballanqaadday inay sii xoojin doonto kaalmooyinka iyo wada-shaqaynta ay la leedahay dalka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana kordhin doonaan dhinacyada labada waddan ka wada shaqeeyaan.

Ambassador Geert Aagaard oo ah Safiirka dalka Denmark u fadhiyey dalka Kenya, una qaabilsan arrimaha Soomaalida oo xafiiska hadda laga beddelay, ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo xubno ka mid ah golihiisa wasiirrada, iyagoo safiirka iyo Wasiirka Khaarajiga Somaliland si wadajir ah saxaafadda ugula hadlay qasriga Madaxtooyada Hargeysa markii kulankaasi dhammaaday shalay.Siilaanyo-iyo-safiirka-Denmark

Safiirka la beddelay ee Denmarka, ayaa sheegay inuu wadahadallo midho-dhal ah la yeeshay madaxweynaha iyo wasiirrada Somaliland, waxaannu yidhi; “Wadahadal fiican ayaan yeelannay madaxweynaha, waxaanan ugu horreyn shacbiga reer Somaliland u rajaynayaa khayr oo aan leeyahay Ramadaan kariim, waayo Ramadaantu waa bil nabadeed oo barakaysan, idinkuna waxaad leedihiin dhaqankiinna gaarka ah, annaguna waxa aannu leenahay dhaqankayaga gaarka ah. Waxa kaloon uga mahadcelinayaa wasiirka khaarajiga waqtiga fiican ee aannu soo wada shaqaynay, muddada aan xilka hayey ee aan la shaqaynayey Somaliland, iyadoo aannu wada lahayn iskaashi iyo wada-shaqayn ku salaysan kalsooni iyo wada-xaajood muddo shan sanno ah oo aan xafiiska joogay.”

“Waxaan jecelahay in aan sii xoojinno iskaashiga wadashaqaynteenna oo aynu kordhinno dhinacyada kala duwan ee aan ka wada shaqaynno, isla markaana kaalmooyin kale oo dheeraad ah u fidinno Somaliland.

Denmark iyo Somaliland

Waxaan ognahay in dhulka Somaliland yahay mid ku fiican dhinaca horumarinta, sidaa darteed waxaan madaxweynaha iyo shacbiga reer Somaliland u rajaynayaa wanaag iyo mustaqbal fiican oo ay noqdaan dal qani ah oo barwaaqo gaadha,” ayuu yidhi Ambassador Geert Aagaard.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa isna sheegay in safiirka la beddelay iyo dalkiisa Denmark wax weyn u tareen Somaliland, waxaannu yidhi; “Denmark waa dalalka ugu waaweyn ee saaxiibka la ah dalkan Somaliland oo aad wax inoo tara, khaasatan sanduuqa horumarinta Somaliland iyo mashaariic badan oo kala duwan.”

“Safiirku aad ayuu ula shaqeeyey Somaliland, waxtarweyna wuu u gaystay, waanna maalintiisii u dambaysay oo xilka waa laga beddelay, markaa aad ayaannu ugu mahadnaqaynaa waxa isaga iyo dawladdiisuba noo qabteen, aadna waannu u xasuusan doonnaa. Waannu ka xunnahay inuu naga tegayo, balse waxaannu u rajaynaynaa inuu shaqo fiican ka qabto dalkiisa oo uu la shaqeeyo Somaliland oo sida uu noo sheegay la shaqayn doono qaddiyaddeenna, xoojina doona,” ayuu yidhi Wasiir Biixi.