Fannaanada Hibo Nuura oo ku dhawaaqday inay fanka ka baxday-Dhegayso

Bbc-(Berberanews)-Fanaannadda Caanka ee Soomaaliyeed Hiba Maxamed ayaa sheegtay in ay go’aansatay in wejiga Alle dartii ay uga harto muusigga.

Hibo oo u warramay Laanta Af-Soomaaliga ee BBC waxay sheegtay in muddo ay ku soo tallamaysay sidii ay ku joojin lahayd muusigga oo ay sheegtay in aanay ahayn wax wanaagsan sida culimadu ay sheegtay.

Hibo Maxamed oo muddo dheer afartan sano ku dhaw ku jirtay fanka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay weli diyaar u tahay suugaanta waddanka iyo dhiiri gelinta balse aanay muusig danbe ku qaadi doonin hees.hibo

Fanaannaddu waxay sheegtay in aanay dhiirrineyn heesaheeda in la saaro ama la qaado, laakiin waxay sheegtay in wixii suugaan ah ee wax u taraya dalka iyo diinta ay sii wadi doonto.

Go’aankan ay Hiba Nuura qaadatay waxaa ka warreystay Farxaan Maxamed Jimcaale.