Golaha Wakiillada Somaliland oo duuduub ku ansixiyay miisaaniyad-sanadeedka 2015

Hargeysa-Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa duudduub ku Ansixiyey Oddoroska Miisaaniyad-sannadeedka 2015-ka ee dawladda oo aanay Xildhibaannada Wakiilladu wax dood ah ka yeelan haba-yaraatee, taasoo ay Mudanayaasha Mucaaradku ka biyo-diideen.

Oddoroska Miisaaniyad-sannadeedka 2015-ka ee dawladda Somaliland oo noqonaysa tii ugu badnayn ee ay Somaliland yeelato 23-ka sannadood ee ay jirtay ee ay gaarka uga taagnayd dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, ayaa laba bilood ka hor Wasiirka Maaliyaddu u gudbiyey Golaha Wakiillada, isla markaana shalay su’aalo laga weydiiyey Wasiirka oo hor-tegay Wakiillada.

Qaabkii Miisaaniyadda 2015-ka Mudanayaasha Muxaafidka u badan ee Golaha Wakiilladu u ansixiyeen iyo dareenka ay ka bixiyeen Xildhibaannada Mucaaradka iyo Muxaafidku, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho Wacan:-