Ciidammada Ausrtalia oo soo af-jaray dad u af-duubnaa Nin Hubaysan

Ciidammada Komandoska dawladda Australia, ayaa gudaha u galay Makhaayad ku taalla magaalada Sydney ee dalkaas, iyagoo soo afjaray xaalad adag iyo afduub uu Nin hubaysani ugu haystay Makhaayaddaas dad illaa 30 qof lagu sheegay, kuwaasoo dhawr ka mid ahi dhaawacmeen.

Ninkan Afduubka geystay ee Hubaysannaa, ayaa la sheegay inuu u dhashay ama dhalasho ahaan ka soo jeeday waddanka Iran, isla markaana uu Qaxoontinnimo ku joogay magaalada Sydney ee dalka Australia.

Hawlgalka ka socday goobta ama Makhaayadda Ninkan hubaysani uu dadka ku afduubay iyo agagaarkeeda, ayaa si toos ah looga baahinayey Telefeshinka Australia, ayaa laga daawanayey Shaqaalaha Caafimaadka deg-degga ah oo ka soo saaray dhawr qof oo dhaawac ah. Isla markaana, waxay wararku sheegyaan inaan illaa hadda la hubin halka uu jiro ninka hubaysan oo ahaa Nin Qaxoontinnimo ku joogay dalkaas oo u dhashay ee Iran.

Badhtamaha magaalada Sydney, ayaa xidhnayd tan iyo markii uu afduubay dadka Ninkaas hubaysani subaxnimadii hore ee Isniintii maanta oo ku beegnayd 15-ka bishan December sannadka 2014-ka. Dadka la afduubay ayaa lagu qasbay inay kor u qabtaan Calan Madoow oo ay dhex-da kaga qornayd Far Carabi inay dariishadaha ama daaqadaha Dhismahaas lagu haystay dadka dibedda ka jooga uga muujiyaan iyagoo kor u haya.141215093521_sydney_hostage_512x288_ap

Gelinkii hore ee Isniinta maanta, ayay Booliska magaalada Sydney waxay sheegeen in ay la xaajoonayaan Ninka hubaysan ee dadka ku haystay gudaha Maqaayaddaas laga qaxweyn jiray, saacado ka dib markii uu tiro dad ah ku afduubtay gudaha Makhaayaddaas.

Boqollaal ka tirsan Ciidammada Booliska Australia oo aad u hubeysan, ayaa isku gadaamay guud ahaan hareeraha Dhismaha Makhaayaddaas, isla markaana waxay isu-socodka oo dhan dad iyo gaadiidba ka xidheen nawaaxiga Makhaayaddaas Ninku dadka reer Australia afduubka ugu dhex-haysto oo la yidhaahdo Martin Place.

Waxaa la arkayay 5 qof oo ka baxsanaya Maqaayadda dadka lagu haysto, hase-yeeshee, Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska ee gobolka New South Wales ee dalka Australia Catherine Burn, ayaa diidday inay kala caddeeyso in dadku ay soo baxsadeen iyo in la sii daayay.

Catherine Burn may xaqiijin weli in Booliiska ay heleen dalabyo uu u soo gudbiyay Ninkan hubeysan ee dadka Shacabka ah afduubka ugu dhex-haysta Makhaayaddaas sida lagu baahiyay Baraha bulshada ee dadka reer Australia wax isugu gudbiyaan.

Raysal-wasaaraha waddanka Australia Tony Abbott oo ka hadlay dhacdadan, ayaa sheegay in dhacdadan laga yaabo in ay xidhiidh la leedahay arrimo Siyaasadeed oo aanu caddayn nooca siyaasaddaas, balse warar kale ayaa sheegaya oo dawladda laga helayo in laga cabsi qabo inay tahay arrin la xidhiidha fal argagixisannimo.

Warbaahinta dalka Australia, ayaa Axaddii shalay baahiyey war sheegaya in laba Gabdhood oo Soomaali ah oo 18 iyo 20 jir da’dooda ay ku kala sheegtay inay magaalada Sydney ka baxsadeen laba toddobaad ka hor, isla markaana ku biireen Kooxda Daacish ee ka dagaallanta qaybo ka tirsan dalalka Ciraaq iyo Suuriya, iyaga oo ay dhalinyaro badan oo hore ka baxeen dalkaas, kuna biireen Daacish ama ISIS.

Dawladda Australia, ayaa ka mid ah dalalka aqbalay is-bahaysiga dawladda Maraykanku ku doonayso inay u midoobaan la-dagaallanka Kooxda dawladda Khilaafada Islaamiga ah la baxday ee Daacish, iyadoo Australia wadda qorshe ay Baarlamaanka dalkeeda kaga ansixinayso inay Millateri u dirto Ciraaq iyo Suuriya, halka ay ka sheegtay in illaa lix diyaaradood oo kuwa dagaalka ah oo ay leedahay ka qaybgeli doonaan duullaanka reer Galbeedka iyo Maraykanku ku hayaan ISIS.