Maxkammadda Xuquuqal-insaanka ee Midowga Yurub oo mag-dhaw u xukuntay Budhcad-badeed Soomaaliyeed

Bbc-(Berberanews)-Maxkamadda xuquuqda aadanaha ee Yurub ayaa sheegeysa in Faransiiska uu carqaladeeyay xuquuqda burcad badeed Soomaali ah kuwaas oo weeraray maraakiib, waxaana ay maxkamadda amartay in la siiyo magdhow maadaama la daahiyay sharci marintooda.

Burcad badeedaas oo sagaal qof ah ayaa helaya kumannaan Euro, maadaama aan isla markiiba la hor keenin garsoorka Faransiiska.
Garsoorayaasha ayaa ku eedeeyay Faransiiska in ay xabsiga ku hayeen maxaabiista mudo 48-saacadood ka badan.budh

Burcad badeedda ayaa waxaa u afduubnaa muwaadiniin Faransiis ah kaddib markii ay qabsadeen markab uu ka dulbabanayo calanka dalkaasi sanadkii 2008, waxaana ciidammada Faransiiska ay ku qabteen howlgal ay ka sameeyeen xeebaha Soomaaliya.
Waxaa si weyn hoos ugu dhacay falalka ay burcad badeedda Soomaaliya ka fuliyeen badweynta Hindiya.