ISLAAN 127 JIR AH OO SHAHAADADA DHALASHEEDU KA DHIGTAY QOFKA UGU DA’ WEYN ADDUUNKA

Islaan da’deeda lagu sheegay 127 jir, una dhalatay dalka Mexico ee waqooyiga qaaradda Ameerika, ayaa noqotay qofka  ugu da’da weyn adduunka, kadib markay gaadhay da’da 127 jir, balse  shahaadadii dhalasheeda oo ka luntay, ayaa sababtay inay ku weydo aqoonsiga ay ka heli lahayd buugga dhacdooyinka adduunka.

islaanta 127

Haweenayday waayeelka ah oo muddo hadda laga joogo 40 sanno iska lumisay shahaadadii dhalasheeda, ayaa ku guul-daraystay inay buugga dhacdooyinka caalamka ku gasho qofka ugu da’da weyn dadweynaha ku dhaqan adduunka.

Islaantan oo lagu magacaabo Leandra Becerra Lumbreras, ayaa la sheegay in ay dhalatay markii taariikhdu ahayd 31 August 1887,  waqtigaas oo boqoradii Victoria u dabaaldegaysay sannad-guurrada dhalashadeeda, iyadoo la ogaaday in islaantani dagaalkii labaad ee adduunka ahayd 27 jir, halka markii ninkii ugu horreeyey ee adduunka dayaxa cago dhigtay ay ahayd 82 jir, waxayna la sheegay inay dagaalkii kacaanka ee Mixico ku jirtay sannadihii u dhexeeyey 1910-1971, dagaalkaasoo lagula jiray  hoggaamiyihii la odhan jiray Adelitas, waqtigaas oo ay ka mid ahayd haween wajahada hore raggooda  kala dagalamayey.

 

Haweenaydan ka soo jeeda galbeedka Mexico, gaar ahaan magaalda Zapopan, waxa ka hor geeriyooday 5 carruur ah oo ay dhashay, waqtigana waxay ayeeyo u tahay 20 ubad ah, kaasoo ilmaheedii ugu dambeeyey dhintay sannadkii 2013, isagoo 90 jir ah.

Dawladda Mexico ayaa waqtigan isku dayeysa in ay 127 jirkan siiso shahaado dhalasho cusub, kadib markii ay wayday shahaadadeedii asalka ahayd 40 sanno ka hor, waqtigaas oo ay gurigeeda ka guuraysay.

Gabadh ay ayeeyo u tahay oo la yidhaah Miram Alvear, ayaa wargeyska El Horizonte u sheegtay in ay dhego cuslaatay, xannuuno kale oo aan sidaa u xumayna ku soo biireen oo gabawgu ku keenay.

“Waa mid aad u xiiso badan marka aad la joogto, sababtoo ah sheekooyinkeeda ku saabsan kaccaannaddu aad bay kuu xiiso gelinayaan, maskaxdaadana u ruxayaan, inta badan wali kamay bixin halgankii ay ku jirtay, waligeed firfircoonidu kamay bi’in, waana sababtay aanu u malaynayn in cimri-dherarkeeda ay keentay. Ilkaheedu way caafimaad qabaan iyadoo da’daas ah, macaan iyo dhiig-kartoona ma laha, waxaanay cuni karta jukulaato badan amma macmacaan aad u badan,” ayey tidhi inanta ay ayeeyda u tahay.

Miss Lumbraras waxay 12 sanno da’ ahaan ka weyn tahay gabadha Japan asal ahaan ka soo jeeda ee la yidhaa Misao Okawa oo waqtigan ah qofka ugu weyn ee dokumantiga dhalasho haysta sida lagu sheegay buugga dhacdooyinka adduunka ee Guiness World Rocords.