Xukuumadda Oo Magacawaday Gobol Cusub Oo Ay Xaruntiisu Tahay Talleex

Hargeysa (Berbere news) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Gobolka Xaysimo ee Magaalo-madaxdiisu ay tahay Degmada Taleex oo dhawaan ay Ciidamadda qaranka Somaliland la wareegeen gacan ku haynteedda.
 
Warsaxafadeed ka soo baxat xarunta Madaxtooyadda ayaa sidan lagu sheegay, kaas oo u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2613/072014 ku magacaabay Gobolka Xaysimo magaalo-madaxdiisuna tahay Taleex.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax ka beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka;
Markuu Tixgeliyey: Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanada;
Markuu Dhegeystay: Soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha;
Markuu Ku Qancay: In maamulada loo dhaweeyo shacbiga oo hoos loo daadajiyo;
Wuxuu Go’aansaday;
In uu u magacaabo Gobolka Xaysimo oo magaalo Madax u tahay Taleex, oo ka koobnaan doona Degmada Sarmaanyo, Degmada Xalin, Degmada Carroolay iyo Degmada God-aalo.
Berbera news/Hargeysa