Maraykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub oo ku baaqay in S/land ciidammadeeda ka saarto Gobollada Sool iyo Sanaag

Hargeysa (Berberanews)- Dawladaha Maraykanka, Ingiriiska iyo Ururka Midawga Yurub, ayaa ku baaqay in Somaliland ciidankeeda kala baxdo degaannada gobolada Sool iyo Sanaag oo ay ku tilmaameen inay yihiin dhul Somaliland iyo Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ku muransan yihiin.

Wakiillada Soomaaliya iyo Somaliland u qaabilsan dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Midawga Yurub oo kala ah; Ambassor James McAnulty, Ambassador Neil Wigan iyo Michele Cervone d’Urso, ayaa warsaxaafadeed ay si wada jir u soo saareen shalay ku sheegay in Somaliland iyo Puntland looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan sidii looga fogaan lahaa colaadaha iyo dagaalka.

Muuqaalka gaadiidka ciidanka oo ku socda magaalada Taleex

“Waxaannu ku baaqaynaa in si degdeg ciidammada looga saaro dhulka lagu muransan yahay ee Gobolada Sool iyo Sanaag, waxaannan ugu baaqay dhinacyada oo dhan inay ka fogaadaan, iskana ilaaliyaan colaadaha,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Midawga Yurub, Maraykanka iyo Ingiriiska.

Dhawaaqa ka soo baxay Maraykanka, Ingiriiska iyo EU-da, ayaa u muuqda mid farogelin ku ah madaxbannaanida iyo qarannimada dhul ahaaneed ee Jamhuuriyadda Somaliland, maadaama Gobolada Sool iyo Sanaag oo juquraafi ahaan iyo taariikh ahaanba ka tirsan dhulka Somaliland ee xudduudihiisu yihiin kuwii uu ka dhaxlay Maxmiyaddii Ingiriiska ee uu xoriyada ka qaaday 26 June 1960-kii, iyadoo aanay jirin meel maamulka Puntland dhulkaas ka soo galo juquraafi iyo taariikh ahaanba.

Dalalka Ingiriiska, Maraykanka iyo Midawga Yurub, ayaa sidoo kale Jamhuuriyadda Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland ugu baaqay inay ka fogaan, iskana ilaaliyaan in khilaafkooda u adeegsadaan awood ciidan iyo dagaal khasaare dhaliya, iyadoo sidoo kale baaqu intaas ku daray Somaliland iyo Puntland ka shaqeeyaan sidii degaannada lagu muransan yahay loogu adeegsan lahaa nidaam iyo hannaan wax dhisaya, si wadajir ahna wax uga qabtaan tabashada dhaqaalaha, horumarka iyo bani’aadanimada ee shacabka ku nool gobollada la isku-haysto tirsanayaan, iyadoo aan la eegayn sheegashada goobaha khilaafku ka taagan yahay.

Waxa kale oo wakiillada Maraykanka, Ingiriiska iyo Midawga Yurub u qaabilsan Soomaaliya sheegeen inay ka go’an tahay, diyaarna u yihiin inay dhinacyada khilaafku u dhexeeyo kala shaqeeyaan sidii xeer-jajab iyo nidaam wadahadal ku dhisan loogu dhamayn lahaa dhulka muranku ka taagan yahay ee Sool iyo Sanaag ka mid ah si loo helo nabad waarta iyo degannaansho.

Baaqa ka soo baxay dalalka Ingiriiska, Maraykanka iyo Midawga Yurub, ayaa ka dambeeyey kadib markii ciidanka qaranka Somaliland hawlgalo ka fuliyeen degaannada Taleex iyo Xiin-galool oo ka mid ah Sool iyo Sanaag bari toddobaadkan, degaannadaas oo lagaga abaabulayey shirar ka dhan ah qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo goobaha ciidanka qaranku tageenna ka tirsan yihiin dhulka Somaliland, balse uu maamulka Puntland qabiil ahaan ku sheegto.