Madaxweyne Siilaanyo Oo Magacaabay Laba Degmo Ka Tirsan Bariga Somaliland

Hargeysa (Berbera news)  Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siillaanyo ayaa maanta Digreeto ku magacaabay in Degmada Gudmo Biyo-cas, iyo Degmada Ceegaag  oo ka kala tirsan Gobolka Sanaag iyo Saraar.
 
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo Sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2501/052014 ku magacaabay laba Degmo oo Cusub.
 
MADAXWEYNUHU:-
 
Markuu Arkay:                 Qodobka 90aad iyo Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
 
Markuu Arkay:                 Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax-ka-beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka;
 
Markuu Tixgeliyey:         Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanka;
 
Markuu Tixgeliyey:         Baahida loo qabo in Degmooyin loo magacaabo Degmada Gudmo Biyo-cas, iyo Degmada Ceegaag Degmooyin cusub;
 
Markuu Dhegeystay:      Soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha;
 
Wuxuu go’aansaday;
 
1.     In uu Gudmo Biyo-cas u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Sanaag.
2.     In uu Ceegaag u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Caynabo”
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.