“Hoggaanka Cusub Ee Aynu Dooranay , Waxa Aynu ILAAHAY Uga Baryaynaa Inuu Wanaaga Waafajiyo” Wasiir Samaale

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa Hogaanka maanta la doortay ee Xisbiga KULMIYE ku bogaadiyay Doorashadda  loogu ansixiyay Hogaamintoodda.
 
 
Wasiir Samaale waxa uu siddaas ku sheegay khubadda uu maanta ka jeediyay gunaanaddka Shirweynihii saddexadd ee Xisbiga KULMIYE oo lagu soo gabo-gabeeyay Hotel Maansoor ee Magaaladda Hargeysa, ayaa waxa kale oo uu sheegay in Masuuliyadda Qofku qaado ay tahay mid uu waajibaadd ka saran yahay inuu si daacaddnimo ku dheehan-tahay uga soo baxo.
 
 
Waxaana hadaladisii ka mid ahaa “ILAAHAY-baa mahadd leh kulankan inoo suura-galiyey, waxbadan oo wanaaga oo Dalkeena iyo Dadkeena-ba  ILAAHAYOOW waanu kaga  Mahad-celinee e noo Siyaadi Walaalayaal Munasibad qaaliya ayaa aynu joognaa  Shirweynihii Saddexaadd ee Xisbiga KULMIYE oo run-ahaantii Muddo soo jiitamay waxaa ILAAHAY mahadii ah in Shalay iyo Maanta-ba u si Sharaf iyo Qiimaba leh uu uga socdo Hoolkan Qiimaha badan leh ee Hotel Maansoor” ayuu yidhi Wasiirka Maaliyaddu Cabdicasiis Samaalle.
 
Wasiirku waxa uu intaas ku daray “Waxaa ILAAHAY mahadiiya in haddii ay Baqddini ay jirtay ama uu wel-weli uu jiray Qabsomida Shirweynaha KULMIYE Shirweynihiisu  inay Baqddintii iyo wel-wekii-ba ay inaga baxday oo si Habsami ah oo Qiimo le hay inoog socoto intii ugu muhiimsanayd aynu hada kuna Faatixaynay Alxamdulilaah, Hogaanka cusub ee aynu Dooranay waxaa aynu ILAAHAY uga baryeynaa  in uu wanaaga waafajiyo in ILAAHAY uu hawsha  uu u fudaydiyo oo uu Xilka u Sahlo”
 
 Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale oo hadalkiisa sii wata, waxa uu  yidhi “Runtii Masuuliyadd oo dhami waa ay u Culustahay marka uu Qofku Daacad noqdo, marka Qofku uu ILAAHAY la kaashado ee uu Samadda uu ku xidhmo Xilka ILAAHAY waa uu u Fuddaynayaa, haddii-se uu Qofku u arko Xilka iyo Masuuliyada uu hayo Raganimo,  Karti iyo Aqoon uu leeyahay in uu ku wado-meel kuma gaadho”.
 
 
Wasiir Samaale ayaa loolan u galay jagadda Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, taas oo khilaaf ka dhex-abuurtay Xisbiga,  iyadda oo lagu kala reebay dhex-dhexaadin ay ka galeen Xukuumadda iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Saleebaan Maxamuud Aadan.
 
 
1238 (1)
 
Berbera news/Hargeysa.