Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaraha oo Magacabay Gudida Xidhiidhada Ciyaraha Somaliland

Hargeisa–(Berberanews)-Wasiirka Dhalinyarada, Ciyaraha iyo Dalxiiska Mudane Cali Siciid Reygal ayaa si kumeel gaadh ah u magacabay Guddida xidhiidhada kala duwan ee ciyaraha Somaliland oo kala ah xidhiidhka Kubada Cagta, Xidhiidhka Kubada Kolayga iyo Xidhiidhka Ciyaraha Fudud waxanay guud ahaan gudidaasi ka kooban tahay 10 xubnood.

War saxafadeedka kasoo baxay xafiiska wasiirka ciyaraha , dhalinyarada iyo dalxiiska oo dhamays tirani wuxuu u dhignaa sidan:

Wasiirka Ciyaaraha

‘Markaan arkay baahida loo qabo gudidada Xidhiidhada, kadib markii aan ogaaday inay taagan tahay xiligii lahawl galin lahaa Gudidada Xidhiidhada Somaliland; markaan xaqiiqsaday in ay lagama maarmaan tahay gudidada xidhiidhadu inay shaqayso; kadib markii aan latashaday cid kasta oo lagama maarmaan u ah hawshan; markaan tixgaliyay waayo aragnimadooda, kartidooda iyo dacadnimadooda waxaan si kumeel gaadh ah u magacabay xubnaha gudidada xidhiidhada Kubada Cagta, Kolayga iyo Ciyaraha Fudud ee Somaliland oo ka kooban 10 xubnood waxaanay kala yihiin sida tan:

Xidhiidhka Kubada Cagta:

1: Cabdilahi Khayre Cawale (Gacal) Gudoomiye;

2: Mohamed Cumar Cabdi, Gudoomiye Ku xigeen; iyo

3: Axmed Maxamed Shire (Sacad), Xoghaye.

Xidhiidhka Kubada Kolayga:

1: Maxamuud Xassan Cabdilahi (Qodax), Gudoomiye;

2: Cabdiqani Ibraahim Raage, Gudoomiye Ku xigeen;

3: Mahdi Cabdi Yusuf

Xidhiidhka Ciyaraha Fudud:

 

1: Mustafe Cali Nuur, Gudoomiye;

2: Cismaan Cali Xuseen, Gudoomiye ku xigeen;

3: Safiya Cabdilahi Ibrahim, Gudoomiye ku xigeenka 2aad;

4: Mustafe Cabdi Xadi, Xoghaye.

Gudigani waxay si ku meel gaadha ah u shaqayn doonaan mudo hal sano ah, oo kabilaabmaysa taariikhda waraqdani soobaxday oo ah inta laga diyaarinayo shuruucda iyo xeerarka lagu hagi lahaa ciyaraha Somaliland.’

Waxaa kasoo wareegtay kudhawaad bil, markii uu wasiirka ciyarahu si kumeel gaadh umagacabay gudidada Olampikada qaranka oo ka kooban 5 xubnood.