Annagu Mucaarad Ahaan Shirka La Tagayo Ee xukuumaddu La Dhuumanayso Ma Ogin, Wixii Ka Soo Baxana Masuul Kama Nihin” WADDANI

SOMALiLAND (berberanews) Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ka hadlay bilowga wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya, kaasi oo la sheegay inaan doorkan xisbiyada qaranku ku jirin weftiga Somaliland u matalaya.
images (3)
Shir jaraa’id oo guddida arrimaha dibadda ee xisbiga WADDANI, maanta ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa waxay sheegeen inay khalad tahay in xukuumaddu isku koobto ka qayb-galka wadahallada Soomaaliya iyo Somaliland, maadaama bay yidhaahdeen aan xisbiyada Mucaaradka ah waxba lagala socodsiin bilowga shirkaasi oo Wasiirka arrimaha dibaddu shalay shaaciyey wakhtiga uu bilaabmayo.
 
Dr Maxamed Cismaan Fadal, oo shirkaa jaraa’id ka hadlaya ayaa yidhi “Xaq ayay bulshadu u leedahay shirarka lagaga qayb-galayo magaceeda, gaar ahaan kuwa lagaga hadlayo masiirkeeda waa inay ogadaan shirkaas ay dawladoodu ajandaha ay la tagayso, dalkan Somaliland waa dimuqraadiyad, dal digtaatooriya maaha, qofna  jeebka kuma qaadan karo masiirkiisa, Dawladda waa la doortay Shirarka way ka qayb gali kartaa, laakiin Shirkaas ay Xukuumaddu ka qayb galayso miyey xisbiyada Mucaaradka ah u dhan yihiin oo tallo laga siiyey, mise kaligeed ayaa Jeebka ku Shubatay. Waxa la filayey oo hore looga hadlay oo in badan la sheegay oo maanta taagan cabudhin xad dhaaf ah oo lagu hayo dadka reer Somaliland Waxaana ku Haysa Xukuumaddii ay doorteen, ma ogala inay Shacabkeeda wax u sheegto waxyaabaha ay Soomaaliya kala hadlayso, arrintaasi waa mid nuqsaan ku a xukuumadda Kulmiye”
 
Dr. Fadal oo sii hadlaya ayaa yidhi “Waxaan u soo jeedin lahaa in labada xisbi mucaarad loo yeedho,  Golayaasha barlamaanka talada waxa laga siiyo, salaadiinta iyo bulshada rayidka talada waxa looga dhiibo, arinka Somaliya loola tagayana uu noqdo mid aynu gudaheena ku dhamayno”