Kooxda PSG oo sameysay wax kasta oo ay ku soo iibsan karto Cristiano Ronaldo

Ciyaaro-(Berberanews)-Agaasimihii hore ee ciyaaraha kooxda Paris Saint-Germain Leonardo ayaa qiray in uu isku dayay wax kasta oo uu Cristiano Ronaldo kaga soo tagi karo Real Madrid uuna ku imaan karo Paris.

338814_heroa1-540x374

Tababarihii hore ee kooxaha Inter iyo AC Milan ayaa sidoo kale qiray in kooxda ah horyaalnimada French ay isku day-day in ay la soo wareegto Paul Pogba intii lagu jiray labadii sannadood ee ugu horeysay shaqadiisa.

Inkastoo ay ku guul dareysteen in ay labadaasi xidig la soo wareegaan, hadana Leonardo waxa uu rumeysan yahay in PSG uu uga tagay koox adag oo aan lala barbar dhigi karin koox kale oo yurub ah.

Waxa uu CR7 u sheegay Telefoot: “Pogba waxa uu la heer yahay in uu u ciyaaro PSG, dhabcan. Waxaa ku fakareynay in aan dhaqaalo badan ku soo qaadano maxaayeelay waa mid kamid ah xidigaha ugu fiican qadka dhexe ee dunida”.

“Waxaan sidoo kale ku fakareynay in aan la soo wareegno Ronaldo. Waan sameeyay wax kasta oo aan ku keeni karno Paris laakiin waa suuroobi weyday in an ka soo ka xeeyo Real Madrid”.

Dhanka kale Leonardo ayaa taageeray in xidiga Bayern Munich Franck Ribery uu ku guuleysto Abaalmarinta Ballon d’Or oo ay kula tartamayaan CR7 iyo Lionel Messi.

oNormal> 

 

Ancelotti ayeey u muuqataa inuu ku qasbi doono maamulka Real Madrid inaysan fasixin laacibkan maadaama uu kamid yahay laacibiinta uu aad ka u doonaayo macalinka ree talyaani.