Xildhibaan Caga-yare Oo Soo Dhaweeyey Guul Xulka Gobolka Maroodi-jeex Ka Soo Hooyey Ciyaar Dhex-martay Xulka Daad-Madheedh

Hargeysa(Berberanews):- Xildhibaan Ismaaciil Jaamac Xirsi (Cagayare), oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Deegaanka Hargeysa, ahan Guddoomiyaha Guddida Nabadgelyada caasimadda, ayaa War-Murtiyeed uu caawa soo saaray ku soo dhaweeyey guusha ay xulka Kubbadda Cagta ee gobolka Maroodi-jeex ka soo hooyeen Ciyaar maanta dhex-martay Xulka gobolka Daad-madheed oo lagu qabtay garoonka Hargeysa Staduim ee magaalada Hargeysa.

Xildhibaan Caga-yare waxa kale oo uu War-Murtiyeedkiisa kaga hadlay hadal ka soo yeedhay mid ka mid ah Ciyaaryahannada gobolka Maroodi-jeex Cabdi Riyaad oo ku cawday inaan markii Ciyaarihii gobolladu ka qabsoomeen Hargeysa la guddoonsiin wax abaal-marin ah oo uu ku mutaystay goolashii uu dhaliyey waqtigaas.

Berberanews
Berberanews

War-Murtiyeedkaas uu soo saaray Xildhibaan Ismaaciil Jaamac Xirsi (Cagayare) oo nuqul ka mid ah uu soo gaadhsiiyey Shabakadda wararka Berberanews.com Xafiiskeeda Hargeysa, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:- “Anigoo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa, ahna Guddoomiyaha Guddida Nabadgelyada Caasimadda Hargeysa, waxaan doonayaa inaan hambalyeeyo guushii gobolka Maroodi-jeex ka soo hooyey Ciyaar Stadiumka magaalada Hargeysa maanta ku dhex-martay Gobolka Daad-madheedh. Koobkii Tartanka Gobollada ee ka dhacay magaalada Burco anigoo aan Xildhibaan ahayn baan saddex Shirkadood uga qaaday Al-Nuur, Indha-birrta iyo Badhasaabka Gobolka Xamarje gaadhi noociisu yahay Susuki, ka dib markii Ciyaartoygii goolka ugu horrereeyay dhaliyay ooo Gobolka Maroodi-jex ka tirsanaa, Cabdi Riyaad-na u dhaliyay goolkii uu guusha ku qaaday Gobolka Hargeysa. Sidaa laajigeed sidoo kale, waxa dhacday in Wasaaradda Ciyaaruhu kala saaari weyday cidda ay guddoonsiin lahayd Gaadhi shirkadda Dahabshiil ay u dhigtay Ciyaartoyga ugu goolal bata, hayse-yeeshee, ay Wasaaraddu kala saari weyday, kuna andacoodeen in saddexda inan gaadhiga qaybsadaan, gaadhiga oo qiimihiisu noqday 3300 la yidhi mid kastaa 110 ha qaato, annagoo Golaha Deegaanka caasimadda ah waxaan fikir ula tegay inaannu gaadhi u gaara u iibinno Cabdiriyaad, taasoo aan noogu jirin miisaaniyadda waxay nala noqotay annagoo gunno qaadanna, inaannu gunnadayadii Xildhibaan kastaa uu 100 u gooyey, taasoo 25 Xildhibaan ka soo qaaday lacagtaas, gacantana ka geliyay Cabdiriyaad qaddar dhan 2500 oo dollar. Sidaa daraaddeed, Cabdi Riyaad iyo cidkasta oo Gobolka Hargeysa tagtaa ma noqon doonaan kuwo Gobolku u dhutiyo oo aanu ku mar kasta ku kalsoonnayahy Ciyaartoyga Gobolka, annagoo ku dhiirigelin doonna, shakhsi ahaan waxaan Casuummad Xulka Gobolka Maroodi-jeex ee ku guulaystay ciyaartii dhexmartay Gobolka Daad-madheeh.”


Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland