Maxamed Kaahin iyo Muuse Biixi waxa isu barkaday gacal aanay xidhi karin iyo gar aanay diidi karin

Berberanews-Maxamed Kaahin, iyo Muuse Biixi waa laba ruux, oo aad u qiimo leh, waa laba aad odhankarto, waxay ka sii hadheen dadkii dalkan lagu nagaaday, ee aynu wanaagooda hadhsano. Waxaa mar hore aynu la kulmi lahayn dhibaato, aynaan marna u maaro helleen, haddaanay joogin , oo weliba aan maaro loo heleen.Muuse and kaahin


Waxay wax badan ku guntadaan dhibaato, ismaan dhaaf ka kacda, oo aan garawshiiyo cidi isa siinin.

Waxaad waxbadan arkaysaa arrimo badan oo gaadhi lahaa meelo fogfog, oo hadhaw nin weliba odhan lahaa maan moodaynin inay sidaa noqonayso. Waxay inbadan oo xumaato ka dhalan lahayd ay si hufan u dambabasaan dhibaato uu ruux kale dab sii sudhi lahaa.

Waxaa labadan oday haysata dhibaato aad u ballaadhan, oo ku keliayaysatay, oo aan cidi la qabin, cidina la ogayne, hala kaalmeeyo, oo ha la helo dad dhibaatooyinka kolba soo food yeelanaya garanaya oo ay dhibayso.

Waa laba nin oo garanaya, waxa si u khaldan, ase ay kolba cidi kala hoos baxayso, waanwaan ay soo dhiraandhirrinayaan.

Waa laba nin oo ku dhex jira dab iyo raran, aanay meel ay uga baxsadaan, oo udhaanta inay iska dhex taagnaadan aan haynin.

Waxaan arkayaa cidkasta oo loollan ka dhexeeya, waxaa ka daran dhibka labadaa nin ay ku qabaan, ee bal inta sida dadka loo fakaro, haloo arxamo, waa laba mujaahid, oo ay dani ka maaransiin wayday, inay dabkaa shidan dhex taagnaadaane.

Waxay taagan yihiin ruux la yidhi gacan ruux kale eeddeda qab, ama gacantaada iska goo.

 

Halloo gurmado waa laba mujaahid, oo runta uga dhaw dadka ka meeraysta iyaga oo arkaaya.

 

Eng. Youssuf  Ahmed.

West London,  U.  K.

jicsin@hotmail.com