Mancherter City oo Dhulka La Dhacday Man United Iska Hor-imaadkii Koowaad ee City Derby

MANCHESTER, England (Berberanews) – Kooxda Manchester City ayaa soo qadintay weerar lagama naste ah, digadana ka dhigtay xalay kooxda Manchester United, ciyaar ku tirsan horyaalka heerka koowaad ee wadanka Ingiriiska ( Premier League ) , kuwaas oo baday guuldarro 4-1 ah.

kulankii u horeeyey ee darbi ah oo labadan kooxood ee isku magaalada ah , ficiltanka badanina ka dhexeeyo , ku dhex maray garoonka naadiga City ee Ethihad Stadium, wacdaro lama filaan, lama ilaabaan, isla markaana ahayd guul wax ku ool ahi u soo hoyatay kooxdii Martida loo ahaa, fajacna ay la dareereen xidigihii uu watay tababare David Moyes oo bedelay Khabiirkii hore ee shayaadiinta dharka cas cas mudada dheer soo leylinayay ee Sir Alex Ferguson.

ciyarta

Weeraryahanka qaranka Argentina ee Sergio Aguero ayaa ciyaaryahanadiisa farxada u horseeday daqiiqadii 16 aad ee ciyaartaba , kadib markii uu gool qurux badan shabaqa gaadh siiyey, minute kii 47 aadna goolkiisii labaad ciyaartana 3-0 ka dhigay raaciyay.
Yaya Toure iyo Samir Nasri ayaa goolasha kale u dhaliyey kooxda tababare Manel Pellegrini.

“Guusha ka sokow, arinta aadka muhiimka u ahi waxay tahay sidii aanu u guulaysanayn,” ayuu yidhi Pellegrini, waxaanu intaas ku daray: “Qofna ma rumaysnayn ciyaarta ka hor inay 4-1 suuro gal tahay.”

ciyar2

Laacibka Wayne Rooney oo gool ku laad loo dhigay si cajiib ah uga dhaliyey daqiiqadii 87 aad , sidaana ku noqday ciyaaryahanka ugu goolasha badan kulamada labada Manchester, isagoo ka dhaliyay 11 gool. laakiin arintaasi may noqon mid si weyn u farax gallisa Rooney laftiisa ama kooxdiisa United midna, waxaana kaga xoog weynaa dareenka booska kala saraynta kooxaha ay guuldaradani geysay oo ah shan dhibcood inay ka hooseeyaan kooxda Arsenal ee hogaanka u haysa horyaalka Ingiriiska.

Maqnaanshaha weeraryahan Robin van Persie, ayaa ah marmar siinyaha kaliya ee ay doodaha la iman karaan taageerayaasha kooxda awoodeedii la shiiqiyey ee United.