Jaamacadda Admas Oo Xaflad U Samaysay 7 Arday oo ka qalin jabiyey jaamacadda oo Deeq Waxbarasho Ka helay Turkey

Hargeysa (Berberanews) — Jaamacadda ADMAS University College ayaa
Caawa xaflad Casha sharaf ah loo samaysay toddoba arday oo hore uga
qalin jabiyey jaamacadda oo deeq waxbarasho (Shoolership) ka helay
dalka Turkey.

Toddobadan arday oo deeqdan ay heleen u galay tartan imtixaano ah oo
laga qabtay in ka badan 80 waddan, ayaa waxa xafladdaas oo casho
ahayd ka soo qayb galay masuuliyiin sare oo ka socotay wasaaradda
waxbarashada, Komishanka Tacliinta sare, maamulka Jaamacadda,
Macalimiin, waalidiin iyo ardayda deeqda waxbarasho helay.
Munaasibadda casha sharafta oo ahayd mid ay dadka ka muuqatay farxad,
ayaa intii ay socotay waxa ay dadku hambalyaynayeen ardayda dedaalka
badan muujiyey ee uu nasiibkoodu u saamaxay in ay deeqdan waxbarasho
helaan.
DSC00778
Ugu horreyn waxa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacadda ADMAS,
Mudane, Ixsaan Cumar Ismaaciil, waxaanu hambalyo u diray ardayda
xafladda loo sameeyay, kuwaas oo uu sheegay in ay dedaal muujiyeen.
“Waxaanu ku faraxsanahay in ardaydii aanu waxbarnay ee aanu gacanta ku
haynay aanay na tacab khasaarinin ee ay ka faa’iidaysteen wixii aanu
barnay” ayuu yidhi Ixsaan.
Waxa uu intaa ku daray in adduunyadu ay socoto oo wax kasta oo uu
qofku isku dayo in uu qabto uu ka midho dhalin karo, isaga oo tusaale
u soo qaatay guusha ay ardaydaasi gaadheen.
Waxa isaguna madashaas ka hadlay Guddoomiye Ku-xigeenka Jaamacadda
ADMAS, Mudane, Xuseen Cabdillaahi Maxamuud, waxaanu faahfaahiyey
tirada wadamada iyo ardayda ay tartanka la galeen 7-da arday ee
xafladda loo sameeyey, waxaanu yidhi “80 dal baa u tartamay
jaamcadahan waxaana ka qayb galay oo ku guuleystay 55,000 arday,
Somaliland-na waxay ka heshay 10 arday, 7 ka mid ahina waxay ka soo
baxeen Jaamcadda ADMAS”.
Mr. Xuseen waxa uu intaa ku daray in Jaamacadda ADMAS ay 70% ku
guulaysatay qaybta ay deeqdan Somaliland ka heshay.“Farxad ayay noo
tahay in la yidhaahdo toddobaatan boqolkiiba deeqdan waxbarasho
ardayda heshay waxay ka yimaadeen Jaamacadda ADMAS, wasaaradda
waxbarashadu waa inay ka markhaati kacdo dedaalka ADMAS”. Ayuu yidhi,
waxaanu dardaaran u soo jeediyey ardaydaas oo uu u sheegay in ay
metelayaal umad iyo dal dhan, loogana fadhiyo in ay dedaalaan oo ay ku
soo noqdaan dalkooda iyagoo wax soo bartay, si ay dalkooda iyo
dadkoodaba u anfacaan.
Intaa kadib, waxa makarafoonka qabsaday Madaxa Qaybta Dhaqaalaha ee
Jaamacadda ADMAS Dr. Swamy oo toddobada ay arday ay u badnaayeen
qaybtaas, waxaanu sheegay in ardaydaasi ay muujiyeen dedaal iyo karti.
Dr. Swamy waxa uu ka sheekeeyay waayaha nololeed ee adag ee ay
waalidiinta Somaliland la soo mareen korinta iyo waxbarista
carruurtooda, kuwaas oo aakhirka ay ubadkoodu soo gaadheen heer
Jaamacadeed. “Haddii ay 7 ka mid ahi nodeen 10kii ugu saraysay waxaan
shaki ku jirin inay ADMAS ku jiraan boqolaal kale oo aan rajaynayo
inaynu sidan oo kale u qaban doono xaflado kale” ayuu yidhi, waxaanu
intaa raaciyey dardaaran uu usoo jeediyey arday, kuwaas oo uu u
sheegay in ay u shaqeeyaan si adag, kadib waxbarashoodana ay dib ugu
soo noqdaan dalkooda si ay dalkooda iyo dadkooda wax ugu qabtaan.
Prof. Ibraahim X. Muxumed Aaye oo ka mid ahaa weftigii aqoonyahanka
ahaa ee la socday Prof. Axmed Ismaaciil Samatar laakiin ku hadhay
dalka, waxaanu hambalyo u diray Jaamacadda ADMAS oo uu ku amaanay
tayada waxbarashada ay bixiyaan, taas oo uu sheegay in ay markhaati ka
tahay toddobada arday ee ku guulaystay tartanka waxbarashada dibadeed.
“waxaan hambalyeynayaa Jaamacadda Admas oo jaamacadihii kale kaga
guuleysatay tartankii ay wada galeen waxaanay taasi muujinaysaa inay
Jaamacadda dad tayo lihi joogaan, waayo dadka tayada leh waxaa soo
saari kara uun dad tayo leh, waxaanan idinka rajaynayaa inaydaan
noqon doonin kuwaa umaddoodii ka cararay balse aad noqon doontaan
kuwii dalkooda wax u soo barta ee anfaca mustaqbalka” ayuu yidhi.
Waxa isaguna madashaas ka hadlay Cabdiqaadir Dhaashane, oo ka socday
Komishanka Tacliinta Sare ee Somaliland, waxaanay sheegay in ay isaga
farxad gaar ah u tahay, isla markaana ay taababanayso, maadaama oo uu
ka mid ahaa macallimiintii seeska u dhigtay waxbarashada Somaliland.
Mudane Cabdiqaadir waxa uu sheegay in ay u arkaan Jaamacadda ADMAS mid
tayayadeedu is muujisay, isla markaana ay tartankii kaga guulaysatay
jaamacadaha kale ee dalka, waxaanu yidhi “Waxaanu u aragnaa in waxaan
la filaynin ay soo baxeen oo jaamacadii ADMAS ay 10-kii arday ka
heshay 7, waxaad tusaale u tihiin ardayda dambe, tayadii Jaamacadduna
waa taa soo baxaysa”.
Ugu dambayn, waxa kale oo isaguna hadal ka jeediyey xafladdaas
Agaasimaha tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada Md. Khadar Axmed
Diiriye, waxaanu dardaaran waayo-aragnimo u soo jeediyey 7-da arday,
kuwaas oo uu sheegay in looga baahan yahay dedaal.
Agaasime Khadar, waxa uu xusay in guddida Tacliinta Sare ay ammaantay
Jaamacadda ADMAS, iyaguna wasaarad ahaan ay ku xisaabtami doonaan,
waxaanu yidhi “Jaamacadda ADMAS waxaan leeyahay wakaas oo waxaa idin
amaanay Gudigii Tacliinta sare anaguna ka wasaarad ahaan waanu idinku
xisbaabtami doonaa kaalintiina qiimaha leh.”
Waxa iyaguna madashaas hadalo ka jeediyey qaar Cismaan Awr-liqe oo ku
hadlay magaca waalidiinta, Solomon Wakjira oo ka mid ah macalimiinta
iyo Maxamed Cumar Guudle oo ku hadlay afka ardayda ku guulaysatay
deeqda waxbarasho ee dalka Turkey.
Gaba gabadii xafladdaasi lagu maamuusayey sagootiska ardayda kaalinta
qiimaha leh ka gashay tartanka imtixaanaadkii Jaamacadaha Somaliland
oo dhan waxaa la arkayey maamulka iyo macalimiinta oo dhinac taagan
ardayda magaca dheer u soo jiiday Jaamacadda Admas si ay sawirro
xusuusta gala uga reebaan ardayda ka hor inta Aanay maalinta burrito
ah ka duulin dhahaba diyaaradaha ee magaalada xeebta ah ee berbera
iyaga oo ku sii jeeda dalka Turkiga ee ay ka heleen deeqa waxbarasho.