Maayar Ku Xigeenka Ceerigaabo Oo Shahaadooyin Gudoon-Siiyay Arday Ka Qalin Jebisay Dugsiga Daallo

Ceerigaabo-(Berberanews)-Maayar Ku Xigeenka Ceerigaabo Oo Shahaadooyin Gudoon-Siiyay Arday Ka Qalin Jebisay Dugsiga Daallo Private School Ee Magaalada Ceerigaabo

Maayar ku xigeenka degmada ceerigaabo Saalax Ismaaciil Cabaase ayaa shahaadoyin gudoonsiyay in kabadan 40 arday oo ka qalin jebiyay dugsiga barashada culuumta sayniska luqadaha iyo xisaabta Dallo Private School ee magaalada ceerigaabo

Munaasibaddi gudoonsiinta shahaadoyinkaa ayaa waxa kasoo qayb galay maayar ku xigeenka degmada ceerigaabo xildhabaano katirsan golaha deegaanka ceerigaabo maamulka dugsigaasi daallo cuqaal waayeel iyo waalidiinta ardaydaDSC 3293

Ugu horaynbana waxa munaasibadaasi ka hadlay maamulaha dugsigaasi Daallo Private School Maxamed Warsame Maxamed Bustaale oo ka waramay taariikhada wayn ee uu leeyahay daugsigani waxana uu masuuliyiinta maamulka gobolka iyo degmada ka codsaday inay kala soo qayb galaan munaasibadaha noocan oo kale ah kuwaaso lagu dhiiri gelinayo ardayda ka qalin jebinsa waxbarashadda aana niyada laga jebin waxana uu sheegay in marar hore oo badan ay aqbali waayeen masuuliyiintu invitation lagu soo casumo

Xildhibaan Xasan Nuur Iyo Caaqil  Xuseen Faarax oo iyaguna munaasibadaasi ka hadlay ayaa ardayda kula dardaarmay inay sii wataan waxbarashada si ay uga midha dhaliyan hadafka iyo himilooyinka ay leeyihiin

Gabagabadii munaasibadaasina waxa soo afmeeray maayar ku xigeenka degmada ceerigaabo saalax ismaaciil cabaase oo maamulka iyo ardayda dugsiga daallo private ku amaanay kaalinta waxbarasho ee ay kaga jiraan gobolka isagoona ku sifeeyay dugsiyadda ugu waxbarashada sareeya waxana uu ardayda ku adkeeyay inaanay ka hadhin waxbarashadooda ee ay sii wataaan

Intaasi kadibna waxa uu maayer ku xigeenu shahaadoyinkii gudoonsiyay ardaydii qalin jebinaysay

Sikastaba ha ahaate dugsigani Daallo Private School ayaa kamid ah dugsiyadda ugu da’da wayn guud ahaanba gobolka sanaag

Daawo Muuqaalka Warkaasi