Jaamacadda ADMAS Qeybteeda Mooge CAMPUS oo u Dabbaal-degtay Xuska 22-Guurada Gooni-isu-taagga Somaliland ee 18-ka May

Hargeysa(Berberanews):- Jaamacadda ADMAS qeybteeda Mooge Campus ayaa si weyn ugu dabaal-degtey xuska sanad-guurada 22aad ee ka soo wareegtey markii Somaliland xorrnimadeedi dib ula soo noqotey 18 May oo ku beegan maalinta Sabtida ee berri oo xalay lagu qabtey barxada-weyn ee Jaamacadaasi.12345

Munaasibadii loo sameeyey dabaal-dega xuska maalinta qaranimada Somaliland ayaa waxa ka soo qeybgalay maamulka iyo macalimiinta Jaamacada ADMAS University, masuuliyiin ka socday Xisbiga UCID, Xildhibaano ka socday labada Barlamaan Guurtida iyo Wakiillada, Cabdifataax Ibraahim Sheekh oo ka mid ah todobada xubnood ee guddida doorashooyinka, Marwo Faadumo Siciid, boqolaal ka mida ah ardeyda Jaamacada oo baddankoodu sitay calanka Somaliland, kuwaas oo ay wajiyadooda ka muuqatay shucuur farxadeed, Unuga waddaniyada, maamulaha Dugsiga Sare ee Maxamuud Axmed Cali Macalin Cal Balayax iyo marti sharaf kale.

Maamulaha qeybta Mooge Campus ee Jaamacada ADMAS Xasan Kaarshe oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa waxa uu u mahad-celiyey dhamaanba ka soo qeybgalayaashii xaflada ay ugu dabaal-dagayaan Xuska sanad-guurada 22-aad ee ka soo wareegtey markii Somaliland xorriyadeedi dib ula soo noqotey.

“Anigu Xaflada ayaan inoo furayey oo hadal baddan odhan maayo, waxa inoo fadhiya cuddudii maamulka Jaamacada Admas University oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Jaamacada ADMAS University, Md. Ixsaan Cumar iyo dhamaan inta wehelisa, waxa kale oo nala jooga bahweynta unuga waddaniyada oo iyagu soo qaban-qaabiyey xafladdan”.Ayuu yidhi Xasan.

Madaxweynaha Jaamacada ADMAS University Md. Ixsaan Cumar oo xafladaasi ka hadlay ayaa waxa uu u mahad-celiyey dhamaan-ba qeybihii kala duduwana ee ka soo qeybagalay dabaal-degaasi, “Aniga oo ku hadlaya maamulka iyo macalimiinta Jaamacada ADMAS waxaan idinku soo dhaweynayaa xafladan qiimaha baddan ee maalinta 18 May, waa maalin taariikhiya oo qiimo ugu fadhida shacabka reer Somaliland, dad baddan ayaa u soo halgamay oo dhiigooda u soo hurrey sidaad heesta calankaba ka dhadhansanayseen,gaadhsiiyey dadka maanta heerka ay marayaan,marka ay eegno xagga nabadgelyada, horumarka, xaga waxbarashada iyo adeegyada kale ee bulsho. Waa maalin inaga muddan inaynu si fiican u xusno,iskuna dhiiri-gelino inaynu si horumarino dalka aynu ku nool-nahay haday tahay xagga nabadgelyada iyo horumarka”.

“Waxaan leeyahay shacabka reer Somaliland ILAAHAY ha gaadhsiiyo halka ay hiigsanayaan ictiraaf iyo horumar”.Ayuu yidhi Ixsaan oo u duceeyey shacabka reer Somaliland.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiye kuxigeenka Unuga Waddaniyada Cabdirisaaq oo ka sheekeeyey qiimaha maalintani u leedahay shacabka reer Somaliland, isla markaana loo baahan yahay in qofkasta oo reer Somaliland ahi inuu weyneeyo una dabaal-dago maalintani oo ku began Sabtida inagu soo food leh. 

Deeq Cismaan Daahir oo ku hadlayey Afka ardeyda Jaamacada ADMAS University

Xildhibaan Siciid oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa isuga ka hadlay muhiimada maalinta 18 May.

Marwo Faadumo Siciid Ibraahim oo ah xoghayaha maaliyada Xisbiga UCID oo  ku labisnayd calanka Somaliland ee sadexda midab leh, isla markaana shucuurteedu waddaniyadeed aad ka dheehanaysay wajigeeda iyo hadalkeedaba ayaa waxay si qoto dheer uga hadashay qiimaha iyo weyneynta ay maalinta 18 May leedahay, iyada oo tilmaantey inay 18 may ay qofkasta qalbigiisa ku qoran tahay.

“18 May waa maalinteeni, waa maalin weyn, waxaana la inaga doonayaa maalinta Sabtida inaynu si weyn ugu dabaal-degno,muujiya muwaadininimadiina  inaynaan meel u soconin muujiya, oo aynu nahay dal jira”.Ayey tidhi Faadumo Siciid.

Cabdifataax Ibraahi Sheekh oo ka mid ah todobada xubnood ee Komiishanka doorashooyinka Somaliland oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa ka hadlay xuska 22aad guurada ka soo wareegtey markii Somaliland xorriyada dib ula soo noqotey oo aynu u dabaal-dagayno 18 May oo qofkasta oo reer Somaliland qiimo weyn ugu fadhida,  “Waxaan ku dhiirigelinayaa ardeyda inay Jaamacadan oo ah inala jaar inay hogaamiso  madalaha noocan oo kale ah wixii ka soo midha dhalana aynu dhiirigelino weeyaan”.Ayuu yidhi.

Madaxweyne Kuxigeenka Jaamacada ADMAS Xuseen oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi“Waxaanu barmaanijkan u sameynay dar-dargelin iyo dhiirigelin bulshada oo wixii ay u soo hurtey wixii ugu qaalisanaa oo ahaa naf marnaba ha ilaabina, wixii laga bilaabay waxa uu ahaa dhagax qarankan halgankiisu, ciddii bilowdayna waxay ahayd UFFO iyo dhalinyaradii wakhtigaa dugsiyada ku jirtey.”

“Jaamac ahaan maaha in xaflado noocan oo kale ah aynu qabano uun, balse waa inay ardeyda laftigeedu waa inay dodo cilmiyeedyo yeeshaan,……waa mid u baahan inay dhamaanteen is-barbartaagno, waa mid u baahan in cuddud lagu muujiyo, waa mid u baahan in caqli lagu muujiyo, waa mid u baahan in qalin lagu muujiyo, waa mid u baahan in ficil lagu muujiyo, waa mid u baahan in dhaqaale la geliyo haday shalayto rag dhiigooda u hurayeen maanta rag iyo dumaroowba u kaca oo maalinta inagu soo beegan 18 May ha muuqato oo mujtamaca caalamku waa inay arkaan halka aynu ka taaganahay”.Ayuu yidhi. 

Unuga Waddaniyada ayaa munaasibadaasi ku soo bandhigay ruwaayad aad u qiima badnayd, taas oo soo jiidatey dhamaanta dadweynihii ka soo qeybgalay xafladaasi, waxaanay ka hadlaysay qiimaha ay maalintan 18 May leedahay.

Sidoo kale, Madaxweynaha jaamacada ADMAS University Ixsaan ayaa waxa uu shahaado sharaf guddoonsiiyey Maamulaha Dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali. 

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.