“Xafiiskana waa kii aan fadhiyi jiray, saaxiibkay Muusena sida uu ii soo dhaweeyay aadbaan ugu faraxsanahay..”Madaxweyne Silaanyo


Hargeysa-(Berberanews)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa manta booqday Xarunta Guud ee Xisbiga Kulmiye oo ay ugu danbaysay laba sano iyo badh ka hor markii uu ku guulaystay tartankii doorashadii Madaxtooyadda Somaliland 26 June 2010.

Madaxweynaha oo Booqashadiisa ay ku wehelinayeen Marwadda koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde iyo Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, ayaa waxa Xarunta Kulmiye ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyeen Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee xisbigaasi Md. Maxamed Kaahin Axmed, kuwaasoo xogwaran guud Madaxweynaha ka siiyay xaaladda Xisbiga iyo tartanka Doorashada Deegaanka ee dhacaysa 28ka Bishan.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay dareenkiisa laba sano iyo badh booqashada uu ku tegay Xafiiskii Kulmiye ee uu uga dallacay xilka Madaxweyninnammada uu hayo, waxaannu yidhi, “Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaan soo siyaarto xarunta xisbiga Kulmiye, xafiiskana waa kii aan fadhiyi jiray, saaxiibkay Muusena sida uu ii soo dhaweeyay aadbaan ugu faraxsanahay.Khudbadayda qaranka ayaan u jeedin doonaa, laakiin aad-baan maanta ugu faraxsanahay inaan manta imaaddo xisbigaygii aan Madaxda u ahaa, odeyga u ahaa ee xisbul-xaakimka qaranka ah, waxaanan taageerayaashiisa iyo cid walba ugu baaqayaa inay taageero buuxda siiso xisbiga,”

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

info@berberanews.com