Komishanka Doorashooyinka oo Faahfaahiyey Hawlaha Maalinta Codbixinta iyo Qaabka loogu Dhawaaqayo Natiijada

Hargeysa (Berberanews)- Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa faahfaahin ka bixiyey hawlaha maalinta codbixinta ee la xidhiidha waqtiyada la furayo goobaha iyo xilliga xidhitaanka iyo weliba ku dhawaaqista natiijada.
Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Mr. Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) oo shir jaraa’id ku qabtay shalay xarunta guud ee guddiga, waxa uu sheegay inay si rasmi ah u soo gebogaboobeen hawlihii ololaha doorashada ee ururrada iyo xisbiyadu ka wadeen dalka, isla markaana aan loo oggolayn inay wax dhaqdhaqaaq ah oo dambe sameeyaan labada maalmood ee ka horreeya 28-ka bisha oo loo dareeri doono codbixinta.


“Ku talagalku waxa uu yahay saacadda 6:00 subaxnimo ee maalinta 28-ka bisha in sanaaduuqda iyo agabka kale ku diyaar ahaadaan goob kasta oo codbixineed, iyadoo codbixintu bilaabmi doonta 7:00 araarnimo kadibna waxay xidhmi doontaa 6:00 galabnimo, laakiin dadka saacadaa safafka ku jiraa way codayn doonaan oo ilaa ay dhammaadaan lagama xidhayo. Natiijada doorashada waxaannu filaynaa in aannu si dhakhso ah ugu dhawaaqi karno, kolayba doorashadani way ka ballaadhan tahay tii hore oo muddo ayey naga qaadan doontaa ilaa toddobaad ayuu ku-talagalkayagu yahay.

Maalinta doorashadu dhacayso ee 28-ka bisha sidii caadada ahaan jirtay dhaqdhaqaaqa gaadiidka oo dhan ka dawladda iyo gaarka loo leeyahayba waa la xidhi doonaa, laakiin dib ayaanu ka soo sheegi doonaa gaadiidka daruuriga ah ee fasaxa la siin doono sida kuwa qaada adeegyada aasaasiga ah, annaga oo ciidanka booliska siin doona cidda socon karaysa iyo kuwa aan socon karayn oo lagu dheji doono waraaqda oggolaanshaha,” ayuu yidhi Md. Geelle.

Waxa kale oo Afhayeenku ka hadlay qaabka loogu dhawaaqayo natiijada doorashada uu sheegay in bulshadu ku jahawareertay shaqooyinka ay kala leeyihiin Guddiga Doorashooyinka iyo Guddiga Diiwaangelinta ururrada iyo ansixinta axsaabtu, isagoo tilmaamay in guud ahaan hawlaha qabashada doorashada iyo natiijadooduba ay tahay masuuliyadda Komishanka Doorashooyinka oo aanay cidi la wadaagin.
“Doorashada oo dadku u codaynayaan murrashaxiin shakhsiyaad ah, iyadoo qofka loo codaynayaa ka tirsan yahay urur, markaa laba arrimood ayaa meesha jira oo ah xisbi iyo murrashax oo inta loo codeeyo murrashax haddana codku u tirsanaanayo xisbiga codka. Haddaba, Komishan ahaan natiijada sida aannu ku soo saaraynaa waxa weeye markay heer degmo isugu soo ururto waxa marka hore la xisaabinayaa codadkii ay kala heleen xisbiyadu, marka xisbi waliba tirada uu helay la ogaado ayaa tiradii kuraasta ee degmada taalayna la eegayaa, iyadoo xisbi waliba tirada codadka uu helay tiro kuraas ah oo u dhigantana uu helayo, waxaanna xisbigu kuraasta uu ku guulaystay ay u kala helayaan murrashaxiintiisu siday u kala cod badan yihiin gudihiisa oo waxba kamay galin murrashaxiinta xisbiyada kale. Intaa marka uu Komishanku ku dhawaaqo waxa iman doonta in wixii cabashooyin ah la eego oo heer degmo lagu dhammeeyo, haddii lagu dhammayn kariwaayo heer gobol loo soo gudbiyo, haddii lagu xallin kariwaayo heer qaran ayey u soo gudbi oo Komishanka ah, halkaana haddii ay ku dhammaan waydo Maxkamadda Sare iyo garsoorka ayey u gudbi. Intaa kadibn marka natiijada kama dambaysta ah Maxkamaddu ku dhawaaqdo ee aynu kala degno ee degmo walba la ogaado golaheeda degaanka iyo xisbi waliba inta uu helay kadib ayey u gudbaysaa Guddiga Diiwaangelinta, markaa annagu ma kala saarayno axsaabta ee urur waliba inta uu helay ayey isugu imanaysaa oo laga yaabo in toddobada ururba degmooyinka kuraas ku wadayeeshaan, axsaabtuna isku duuban tahay ayey Maxkamadda Sare ku dhawaaqaysaa kadib ayey u tagaysaa Guddiga Diiwaangelinta,” ayuu yidhi Afhayeenka Guddiga Doorashooyinku Maxamed Axmed Xirsi (Geelle).
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Guddiga Anshaxa Doorashada Axmed Maxamed Cadaad oo isna shir jaraa’id ku qabtay shalay xarunta Komishanka ayaa sheegay in ololihii doorashada ee ay sameeyeen ururrada iyo xisbiyadu intiisa badani si fiican ku soo gabogaboobay, balse masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo uu ka mid yahay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Cali Xaamud Jibriil ay si badheedh ah gaadiidka dawladda ugu ololeeyeen xisbiga KULMIYE maalintiisii u dambaysay ololaha.
Waxa kale oo Guddoomiye Cadaad halkaasi ku shaaciyey ilaa 12 qodob digniin u ah ururrada iyo axsaabta siyaasadda oo ay uga digeen inay mushkilad abaaburaan muddada doorashadu socoto ama dhamamato.