Xabbad-joojinta Israa’iil iyo Xammaas: Daahfurka Wejiga Cusub ee Diblumaasiyadda Bariga Dhexe

Warbixin: Weriye, Cali Jaamac Maxamed – Jamhuuriya

Waxa maalmo yar ka hor si rasmi ah u dhaqangalay xabbad-joojin la dhexdhigay dawladda Israa’iil iyo Ururka Xamaas ee reer Falastiin kadib dagaal duqayn ah oo muddo siddeed maalmood ah ka dhex socday, iyadoo duqaynta ciidammada Israa’iil oo ay u adeegsadeen hubka culus ay dhinacyada cirka, badda iyo dhulka kaga garaaceen degaannada Marinka Qasa ee uu maamulo ururka Xamaas, kuwaas oo galaaftay nafaha in ka badan 160 qof oo reer Falastiin ah, halka hoobiyayaal ururka Xamaas isku difaacayey oo ay ku bar-tilmaameedsadeen Koonfurta Israa’iil ilaa magaalo ganacsiyeedka Talaafiif ay ku dhinteen inta la ogyahay 5 qof.

Ka sakow dagaalka iyo xabbad-joojinta oo loo arkay inay tahay tallaabo loo qaaday daminta colaad sii fidi lahayd iyo ka shaqaynta xal waara oo keena nabad, arrinta xiisaha badan ee soo ifbaxday waxay noqotay weji cusub oo ay yeelatay diblumaasiyadda Gobolka Bariga Dhexe ee rabshadu ka dhacday, kaas oo isbeddel weyni ku yimi siyaasaddii majaraha u haysay ee lagu yaqaanay.

Tan iyo sannadkii 1967-dii kadib dagaalkii Israa’iil ku jebisay dalalka Carabta siyaasadda hoggaanka u haysay Gobolka Bariga Dhexe waxay ahayd dawladda Yuhuudda iyo ay taageerayeen reer Galbeedka oo u horreeyo Maraykanku, waxaanna go’aan kasta oo saamayn ku leh gobolka looga fasax qaadan jiray iyada oo kolba jawaabta ay ka bixiso lagu dhaqmi jiray.

Haseyeeshee, heshiiska xabbad-joojinta ee laga saxeexay Israa’iil iyo Ururka Xamaas waxa uu daahfuray cahdi muujinaya in taladii Israa’iil ee Gobolka Dhexe hoos-u-dhac weyni ku yimi, isla markaana ay dalalka Carabta ka soo baxday diblumaasiyad miisaankeeda leh oo uu sabab u yahay kacdoonkii shacabka ee loo bixiyey ‘Gugii Carabta’ ee talada lagaga tuuray qaar ka mid ah hoggaamiyayaashii keli-taliska ahaa ee xukumi jiray.

Haddaba, dhawr qodob oo laga dheehan karo wejiga cusub ee diblumaasiyadda Bariga Dhexe yeeshay kadib xabbad-joojinta colaaddii Israa’iil iyo Xamaas, waxay kala yihiin sidan;

1. Heshiiska ay Israa’iil aqbashay waxa soo diyaarisay dawladda Masar, taas oo noqotay arrin layaab leh oo muuqaal kale u yeeshay Masar kadib kacdoonkii shacabku ku riday Madaxweynihii hore Xusni Mubarak oo isagu dafadhiyi jiray Yuhuudda.

2.  Digniintii Madaxweynaha Masar Maxamed Mursi u diray Israa’iil bilowgii weerarrada iyo booqashadii Ra’iisal-wasaarihiisu ku tagay magaala Qasa oo daaha ka fayday in siyaasaddii Masar ee ku wajahnayd Israa’iil isbeddeshay.

3. Taageerada Maraykanku siiyey heshiiska xabbad-joojinta Masar soo diyaarisay waxa uu tilmaan cad u yahay doorka siyaasadeed ee Masar ku yeelatay Bariga Dhexe kadib kacdoonkii dadweynaha iyo la-wareeggida xukunka ee Islaamiyiinta ururka Akwaanu Muslimiin, taas oo keeni karta in Maraykanku ka dhigto Masar xulafadiisa kowaad ee uu ku kalsoonyahay gobolka.

4. Sexeexida Israa’iil iyo oggolaanshaha Maraykanka ee heshiis uu qayb ka yahay ururka Xamaas oo labada dawladoodba hore ugu shaabbadeeyeen urur argagixiso oo aan wadahadal lala geli karin, waxay markhaati ka tahay in awoodda Xamaas iyo taageerada ay siiyeen dalwaddaha Carabtu inay beddeshay mowqifkii Yuhuudda iyo reer Galbeedka.

5. Maraykanka iyo xulafadiisa Israa’iil kowda ka tahay waxay hore ugu heshiiyeen inay go’doomiyaan ururka Xamaas kadib doorashadii shacabka reer Falastiin ku doorteen sanandkii 2006-dii, si loo daciifiyo awooddiisa, laakiin heshiiskan cusub ee lala galay waxa uu u muuqdaa inuu arrintaasi ka soo horjeedo, maadaama ugu yaraan lala gorgortamay, lana garab istaagay.

Dhammaan qodobadan iyo kuwa kale oo laga yaabo in aan ilduufayba waxay marag-ma-doon u yihiin in hoggaamintii Israa’iil ee Gobolka Bariga Dhexe meesha ka baxday, isla markaana ay soo baxday diblumaasiyad cusub oo ay horkacayaan Islaamiyiin qunyar-socod ah oo ka faa’iiday kacdoonkii dadweynaha Carabtu heeryada iskaga tuuray oo ay hormood u tahay Masar.