Maxkamadda Sare ee Somaliland oo gudo-gashay dhegaysida dacwad ay Guddida Diiwaangelinta ku soo oogeen affar Urur-siyaasadeed

Hargeysa-(Berberanews)-Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa maanta si rasmiya u gudo-gashay dhegaysida dacwad ay ka dhan Guddida Diiwaangelinta Ururarada iyo kal-reebista asxaabta Qaranka oo ay ku soo oogeen affar ka mid ah ururadii Guddiga Diiwaangelintu ku reebeen shuruudihii madax-tirsiga ahaa ee gobollada qaarkood.

Furitaanka dacwadda ka dhanka ah Guddida Diiwaangelinta oo saaka  ka furantahay Maxkamadda sare ee Somaliland waxa ay dhegaysatay dacwadda Urur-siyaasadeedka UDHIS oo ka mid ah affar urur oo dacwad u soo gudbiyay, kuwaasoo kala ah UDHIS, JAMHUURIGA, HORYAAL IYO NDP.

 

Garyaqaanka u doodayay Urur-siyaasadeed UDHIS, oo saxaafaddu wax ka weydiisay dacwadooda ah, ayaa ku andacooday inay Guddida Diiwaangelintu ku fashilmeen caddaymo sax ah oo muujinaya sababah ay u cuskadeen hadhitaanka ururka UHDIS, islamarkaana uu go’aankoodu ku sallaysaa il-ka-cabir iyo fakir u gaara oo ay ku sheegeen inaanu ururku buuxin shuruudaha madax-tirsiga ah ee Gobollada Sool iyo Sanaag.

Xeerka Diiwaangelinta Ururada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka ee   2011 wuxuu sheegayaa kala-reebista wxa lagu kala hadhaya codka ummmadda, marka laga soo gudbo shahaadada ku-meelgaadhka ah Urur-siyaasadeedka UHDIS codka ummadda wuu haystaa.”

 

“Guddida Diiwaangelintu waxaasoo dhan  way baalmareen manay eegin, il-ka-cabir iyo fikirkooda ayuun bay ku go’aan qaateen Waxaanay u muuqataa Iin looga yeedhinayay meel kale.”ayuu yidhi Garyaqaanku.

 

Garyaqaanka Guud ee dawladda u doodaya  Ibraahin Iidle Saleeban oo wax laga weydiiyaya dacwaddan, ayaa sheegay inay ururadu xaq u leeyihiin dacwadda ay gudbiyeen, “Xaq bay u leeyihiin inay ashkatoodaan, kama baxsana nidaamka.

Sharcigga maxkamadda go’aan ka soo saaraysa inuu sharci yahay iyo inaanu ahayn..”ayuu yidhi Ibarahin Saleebaan.

 Dhegaysiga dawcadda UDHIS waxa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Ururka UDHIS Ibraahin Dhegaweyne, Cabdiraxmaan Aw-cali Faarax, siyaasiyiin iyo martisharaf kale.

 Maxkamadda sare waxay berri sii amba-qaadi doontaa ururada kale ee dacwadda u soo gudbiyay.

 

Berberanews.com

Info@berberanews.com