Magacyada Guddi loo doortay soo xulidda Xildhibaannada Beesha Ciida-gale u matalaya Baarlamanka Soomaaliya

“Shirkaas waxa guddoominayey Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubbaa, waxaana goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha guud ee Beelaha Dir-Waqooyi (Isaaq) Maxamed Biixi Caalin (Ooto)..” Waraysi Maxamed Cabdiraxmaan Gadhyare

Muqdisho-(Berberanews)- Xubno isugu jira Siyaasiyiin, Aqoonyahaniin, Wax-garad, Haween, Odayaal iyo Dhalinyaro ka soo jeeda Beesha Ciida-gale oo ka tirsan Beelaha Isaaq (Dir-Waqooyi) ee ku sugan Soomaaliya, ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshay Shir ay kaga tashanayaan aayaha Siyaasadeed iyo Xubnaha beesha uga qaybgalaya Baarlamanka cusub ee Soomaaliya.

Waxa shirkaas lafa-gur, falan-qayn iyo dood dheer ka dib lagu doortay Guddi ka kooban shan xubnood oo muddo 24 saacadood gudohood ah ku soo xuli doona Xildhibaannada fadhiisanaya Kuraasta Baarlamanka cusub ee Soomaaliya yeelanayso looga qorsheeyey Beesha Ciida-gale. Haddaba, Shabakadda Wararka ee Berberanews, waxa u suurta-gashay markay warkan heshay caawa inay Khadka Taleefanka ee magaalada Muqdisho shirkaas ujeeddadiisa, waxa lagaga hadlay iyo go’aanka lagu gunaanaday kaga waraysato Maxamed Cabdiraxmaan Gadhyare oo xubnaha Shirka fadhiyey ka mid ahaa, isla markaana isaga loo doortay Guddoomiyaha Guddiga soo xuli doonta Xildhibaannada Beesha Ciida-gale uga qaybgalaysa Baarlamanka cusub ee Soomaaliya.

Maxamed Cabdiraxmaan Gadhyare, waxa uu sheegay in Shirkaas oo maanta lagu qabtay Huteel Saxafi ee magaalada Muqdisho, uu Guddoominayey Siyaasiga caanka ah ee Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubbaa, sidoo kalena uu goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Beelaha Dir-Waqooyi (Isaaq) ee Soomaaliya jooga Maxamed Biixi Caalin (Ooto). “Aad baad u mahadsan tihiin Shabakadda Berberanews, haddaan ka jawaabo su’aasha aad I weydiiseen, Shirkaasi wuu jiraa waxaanu ahaa Shir ballaadhan oo lagu qabtay Huteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, waxa Shirka isugu yimi Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka, Odayaasha, Haweenka, Dhalinyarada iyo Wax-garadka Beesha Ciida-gale oo ka mid ah Beelaha Dir-Waqooyi (Isaaq), waxay ujeeddada shirku ahayd inay beeshu kaga tashato aayeheeda siyaasadeed iyo in si aan khilaaf lahayn oo laga fiirsaday ay Beeshu u soo xusho xubnaha Xildhibaannada noqonaya ee uga qaybgalaya Baarlamanka cusub ee Soomaaliya.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Cabdiraxmaan.

Waxaanu Maxamed Gadhyare oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; “Shirka waxa guddoominayey Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubbaa, waxaana goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha guud ee Beelaha Dir-Waqooyi (Isaaq) Maxamed Biixi Caalin, waxaana falan-qayn, lafa-gur iyo dood dheer ka dib, lagu go’aamiyey in afarta Kursi ee Beeshu ka helayso Baarlamanka cusub ee Soomaaliya loo soo xulo qaab la isku waafaqsan yahay, isla markaana laga dhigo Xildhibaannadaas saddex xubnood oo Rag ah iyo hal xubin oo Haween ah.” “Waxaana gebo-gabadii shirkaa lagu doortay Guddi ka kooban shan xubnood oo soo xuli doona Xildhibaannada Beesha uga qaybgalaya Baarlamanka.” ayuu yidhi Maxamed Cabdiraxmaan oo waraysigan ay gaar ula yeelatay Berberanews.

Maxamed waxa uu intaa ku daray oo uu sheegay in wakhtiga Guddi ahaan loo qabtay inay xubnaha Xildhibananada noqonaya ku soo xulaan 24 saacadood gudohood, waxaanu yidhi; “Guddi ahaan wakhtiga nala siiyey inaannu  xubnaha Xildhibaannada noqonaya ku soo xullo kuna soo gudbinno waa 24 saacadood gudohood, waxaanan rejaynayaa inaannu xilliga nala siiyey ku dhammaystiri doonno, xubno lagu wada qanco oo aan khilaaf ka iman-na ku soo xullo Insha Allaah haddii Illaahay yidhaahdo 24-kaa saacadood.”

Maxamed Cabdiraxmaan oo Berberanews weydiisay su’aal ahayd ma noo sheegi kartaa magacyada xubnaha Guddiga loo doortay iyo cidda Guddoomiyaha u ah Guddigaas? Waxa uu ku jawaabay; “Haa. Guddigu waxay ka kooban tahay shan xubnood oo laba ka mid ahi Haween yihiin.” Waxaanay magacyada Guddigu kala yihiin sidan hoos ku qoran:-

1-       Maxamed Cabdiraxmaan Gadhyare oo ah Guddoomiye Guddiga,

2-       Cabdillaahi Cali Saqadhi oo xubin ah,

3-       Mustafe Kalane oo xubin ah

4-       Hoodo Cabdi Aadan oo xubin ah

5-       Sahra Carab oo xubin ah.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.

Email, info@berberanews.com