Wararkii u Dambeeyey ee Xaaladda Fannaanada Saado Cali oo Shil Gaadhi ku dhaawacantay iyo Weriye ku dhintay

Garoowe-(Berberanews)- Allaah ha u naxariistee Weriye Maxamed Cali Cilmi ayaa geeriyooday,  Fannaanadda Caanka ah ee Saado Cali Warsame-na dhaawacyo ayaa soo gaadhay, ka dib markii uu Gaadhi kula geddoomay xarunta maamul-goboleedka Puntland ee Garoowe, kaasoo ka soo qaaday garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo oo ay diyaarad kaga soo degtay maanta.

Fannaanadda Saado Cali Warsame oo taariikh fiican ku leh Fanka Soomaalida, ayaa lagu dawaynayaa Cusbitaalka guud ee magaalada Garoowe. Inkasta oo ay jiraan warar is-khilaafsan oo ka soo baxaya xaaladda caafimaad ee Saado Cali, haddana sida ay wararka ugu dambeeyey ee laga helayo qaar ka tirsan hawl-wadeennada Cusbitaalka lagu dawaynayo iyo masuuliyiinta maamul-goboleedka Puntland, waxay sheegayaan inay Saado ka jabtay gacanta midig, isla markaana dhaawacyo kale ka qabto Qoorta.

Weriyaha geeriyooday ayaa Fannaanadda ka soo raacay magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, iyada oo Fannaanadda Saado Cali maanta ka soo duushay Caasimadda Muqdisho ee dalka Soomaaliya, isla markaana diyaaraddii Muqdisho ka soo qaadday kaga degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo.

Shilkan Baabuur ee Weriyuhu ku dhintay, Fannaanadduna ku dhaawacantay ayaa dhacay maanta, ka dib markii Gaadhi kuwa Xamuulka qaada ahi uu galay ama jiidhay Gaadhiga ay saarnaayeen Fannaanadda Saado Cali Warsame iyo Weriye Maxamed Cali Cilmi, kuwaasoo markaa marayey meel illaa 60-KM ka xigta magaalada Garoowe, halkaas oo ay kaga hortageen dadweyne tiro badan iyo Masuuliyiin maamul-goboleedka Puntland ka tirsan oo soo dhawaynayey Saado Cali oo Baabuurka siday ka soo qaaday magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.