Madaxweynaha Soomaaliya oo Kulankii uu Madaxweyne Siilaanyo la yeeshay ku tilmaamay mid Somaliland lagu Raalli-gelinayey

Muqdisho-(Berberanews)- Madaxweynaha dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa shir ay 28-kii bishan magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ku wadayeesheen isaga iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ku tilmaamay mid Somaliland uu ku raalli-geliyey tabasho ay qabeen iyo dhibaato Maamulkii Siyaad Barre u geystay.

“Walaalkaa haddii uu wax kaa tabanayo waxa habboon inaad tidhaahdo raalli ahow. Markaa, Walaalahayo Somaliland waxaannu u geynnay raalli ahaada, wixii dhacay in laga wadahadlo ayaannu oggol nahay. Laakiin, nidaam jiray oo dhibaatadiisu cid walba gaadhay ayaa  mas’uul ka ahaa arrintaas.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadal ka jeediyey kulan uu magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya kula yeeshay Odayaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed ee xulidda Ergada Dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya ku xulayaan.

Madaxweyne Shariif waxa uu sheegay inuu rejo fiican oo badan ka qabo inay midha-dhal noqdaan wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya u bilaabmay bishan dhammaanaysa ee June oo wejigii labaad ay isku arkeen Madaxweyne Shariif iyo Madaxweyne Siilaanyo. Shariif waxa uu xusay in dawladdii Marxuum Maxamed Siyaad Barre uu hoggaaminayey kaliya aanay dhibaato ka soo gaadhin Somaliland, hase ahaatee guud ahaanba dadka Soomaaliyeed dhibaato badan kala kulmeen Rejiimkaas.

Waxa kale oo uu Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed sheegay in kulankii uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kaasoo ka dhacay Khamiistii magaalada Dubai ee isu-tagga Imaaraadka Carabta la iskula gaadhay in la isa saamaxo, mar haddii la wada yahay dad Soomaaliyeed oo Walaalo ah, sida uu isagu hadalka u dhigay.

Sheekh Shariif waxa uu Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ee Muqdisho ku shiraya ka dalbaday inay soo dedejiyaan xulista Ergada ansixinaysa Dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya ay yeelanayso, maaddaama wakhtiga xil-haynta uga hadhsan dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya ay kooban tahay, muddadeeduna ku dhammaanayso 20-ka bisha August ee sannadkan 2012-ka, inay inta ka horraysa dhammaystiraan hawsha looga fadhiyo.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.