Halkan Ka Daawo Sawiro Chelsea Oo Koobabkii Ay Ku Guulaysteen Xilli Ciyaareedkan Ku Soo Wareejiyey London.

England (Berberanews Sports):- Kooxda horyaalka yurub ee Chelsea ayaa koobkii ay ku guuleysteen waxa ay ku soo wareejiyeen wadooyinka koonfur galbeed London, iyadoo ay isku soo baxeen tobanaan kun taageerayaal Blues ah.
Iyagoo banaanka soo dhigay koobka Champions League oo ay xalay kaga qaadeen rikoore Bayern Munich, sidoo kale waxaa isna ay banaanka soo dhigeen koobka FA Cup.
Ciyaartoyda Chelsea oo isla maanta ka soo laabtay Munich iyagoo dusha ka saarnaa bas dusha ka furan, salaamayeyna  taageerayaal badan oo soo dhaweynayey.

 








 
Mustafe Maxamud Diiriiye
kastam@berberanews.com
Berberanews Sports