Maxkamadda Hargeysa oo Bilowday dhegaysiga Dacwadda Boqor Buurmadow, eedaha loo jeediyay iyo difaaca Boqorka

Hargeysa-(Berberanews)-Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa maanta markii u horraysay bilowday dhegaystiga dawcad loo haysto Boqor Cismaaan Maxamed Buurmadow oo lagu soo oogay  eedo iyo aflagaado ka dhan ah xukuummadda talada haysa.

Dhegaysiga dacwadda oo ay goobjoog ka ahaayeen tiro  dadweyne ah Boqor Buumadow, Xeer-iaalinta iyo Qareennada dicfaacaya ayaa ugu horayn maxkamaddu ka dalbatay Xeer-ilaalintu inay akhrido eeda loo haysto Boqor Buurmadow.

Xeer-ilaalinta Guud, ayaa maxkamadda horteeda ka akhriday gal-dacwadeedka Boqor Buurmadow, kuna soo eedaysay aflagaadooyin uu kula kacay maamulka talada haya , kuna tilmaamay xukuummad gacan-saar la leh kooxda Al-shabaab ee dagaalka kula jirta Somalia.

Waxa weeye siyaasad xummadda iyo fashilka siyaasadda xukuumadda,. cagajuglaynta iyo siday xeer ilaalintu ugu fashilantay, dig digta iyo cagajugklaynta waxba kama jiraan aniguna Somaliland baan ahay.”sidaa waxa yidhi Boqor Buurmadow oo dareenkiisa ka bixiyay dacwadda Xeer-ilalainta.

Garyaqaan Maxamed Siciid oo difaacaya Boqor Buurmadow, ayaa sheegay inuu rajaynayo cadaalladu inay ka madaxbannaanato siyaasadda,  “Cadaalladdu waa inay ka madaxbananato siyaasadda ayaan rajaynayaa, oo aan ahayn mid digtator ah”

Boqor Cismaan Buur-madow waxa uu ka soo kicitimay magaalada Dubai ee isutagga Imaaraadka Carabta, hase-yeeshee, markii uu soo cago-dhigtay garoonka diyaaradaha ee Caasimadda Hargeysa badhtamaihii March ee bishii hore , ayey Ciidanka Booliska oo ku qabteen isla gegada diyaaradaha ee Hargeysa, halkaas oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen Salaaddiin, Cuqaal, Boqorro, Odayaal iyo dadweyne kale daqiiqado ka hor intaan la xidhin.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email,info@berberanews.com