UDUB: Maba Lulatee Maxay Leeftaa!!! Faallo Weriye Mustafe-Jannaale

Baryahan danbe waxaa jiray muran u muuqda inuu kalla qaybiyay Xisbiga UDUB ee mucaaradka ah, kaas oo salka ku haya kalla hororsi lagu kalla jiidanayo murashaxnimadda Xisbiga UDUB ee doorashadda madaxtooyadda soo socota haddiiba ay dhacdo.

Arrintani marka hore waxaa ay ka bilaabantay ka dib markii guddiga fullinta xisbiga UDUB xoogiisu ama inta baddan uu isku raacay in Jamaal Cali Xusseen ay u doortaan murashaxa Xisbiga ee u tartami doona doorashadda Madaxtooyadda,  taasoo oo ay ka biyo diideen Xubno uu hogaaminayo Mudane Cali Warancade oo laftiisu rajo-weyn ka qabay in loo doorto Murashaxa Xisbiga..kuwaasoo durray, Islamarkaana sharci darro ku tilmaamay go’aankii guddiga fullinta badankiisu isku raacay.

Waxaa diidmadan Badhi taaray guddoomiyaha Xisbiga UDUB Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo qudhiisu taageero u muujiyay dhinicii diidanaa go’aanka lagu doortay murashaxa oo uu guddoomiyay Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Axmed Yuusuf Yaasiin oo ahaa kusimaha guddoomiyaha, Islamarkaana sharcigu siiyay inuu hogaamiyo Xisbiga maadaama waqtigaas Guddoomiyuhu ku maqnaa dalka Faransiiska, weli murankii waa uu taagan-yahay waxaana labaddaa dhinac ee damacu ka dhexeeyay loo arkaa in la weheliyo oo waqtigan ay soo baxeen rag kale oo aan hore rajo u qabin.

Sidaas darteed, waxaan qormaddan Jeclaystay inaan si guud mar ah bulshadda ugu iftiimiyo Xisbigan lagu muransanyahay oo laftiisu shakhsiyad Sharci lihi baahidda uu maanta qabo iyo inaan ragga maanta bu’aya weydiino Su’aal.

Aan ku horeeyo oo aan is xusuusino in Xisbiga UDUB shalay waxaa uu ahaa xisbiga taladda dalka haya, waxaana uu haystay marka xaqiiqda laga hadlayo awoodii maamul, gaadiidkii, warbaahintii dawladda, ciidankii iyo weliba taageerayaal u badan dadka waaweyn oo ka baqo qabay is bedelka Xisbiyadda mucaaradka ahi ku baaqayeen oo aanay ogeyn waxaa ay soo siddaan, sidaas oo ay tahay doorashaddii Madaxtooyadda ee 2010 waxaa looga adkaaday si weyn, waxaana dedaal kasta oo ay sameeyeen raggiisii dhaafi inuu ka hello 33% codadkii la bixiyay, halka Xisbiga KULMIYE oo mucaarad ahaa ka kasbadday 50%.

Guul-daraddan UDUB Cali Warancade iyo rag uu ka midyahay oo maanta hunguri ka hayo in loo sharaxo murashaxa Madaxtooyadda kama ay madhneyn waxaana ay ka ahaayeen horseed, waayo Wasiiraddii dedaalka ugu badan laga rabay inay u galaan xisbiga ayay ka mid ahaayeen, sidaas darteed haddii ay maanta doonayaan in la sharaxo waxaa odayaasha hortaala ma shalay ayaad wax iska hagraneyseen?

Ta kale, Xisbiga heerkaas gaadhay ragga aan ku milmin siyaasadda faashilka ah ee umaddu soo tijaabisay sidda Jamaal Cali Xusseen oo kale Ma isagaa u baahan oo ay dib u soo kicinayaan UDUB misse iyaga ayaa u baahan?

Su’aashan danbe waxan kaga jawaabayaa oo si fudud u odhanayaa Xisbiga UDUB isaga ayaa u baahan in lagu shubo dhiig cusub iyo rag dhalinyarro ah oo helli karro af ay ummada la hortagaan iyo wax ay u sheegaan oo ku kasbaddaan, laakiin iyagu umma baahna waayo, waxay helli karaan xisbi sidooda oo kale cusub oo ay bilaabaan.Intii ay dhoob-dhoobi lahaayeen Xisbi dheeha laga ridday.

Sidaa daradeed, waxaa suurta-gal ah in sharciyaddiisu lunto Xisbiga UDUB inta muranku taaganyahay, waayo guddiga diiwaan-gelintu waxay ka rabaan Xisbiyadda sidda ururadda oo kale inay qabsadaan shirweynayaashooda oo ay buuxiyaan shuruudaha xeerku u qayday in ay kaga qayb-galaan doorashadda golayaasha deegaanka.

Waxaa la yidhi, haddal nin badiyay ma wadda odhan nin yareeyayna kama wadda tagin, sidaas darteed waxaan ku soo ururinayaa faaladdan kooban oo aan odayaasha UDUB kulla talinayaa inay soo dhaweeyaan dhalinyaradda niyadda samaantu u keentay ee aanay is macaashsiin.

Mustafe-Jannaale

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Email:janaale94@gmail.com