Kenya: Khasaaraha ka dhashay weeraro qaraxyo ah oo lala beegsaday Nairobi

Nairobi-(Berberanews)-Inta la xaqiijiyay lix qof, ayaa ku dhintay weeraro qaraxyo ah oo xalay lala beegsaday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halka 63 qof oo kalena dhaawacyo kala duwani ka soo gaadheen.

Affar bambooyinka gacmaha laga tuuro ah, ayaa xalay lala beegsaday istaan basaska laga raaco oo ay ku sugnaayeen gaadiid tiro badan oo ay ku sugnaayeen dadweyne u diyaargaroobayay booqasho ay ugu tagaan qaraabadooda ku sugan magaalooyinka kale.

Madaxweyne-xigeenka dalka Kenya Kalonzo Musyoka, ayaa qaraxan ku sifeeyay mid ujeedadiisu tahay in la curyaamiyo xalka la doonayo in lagaga hortago kooxaha argagixisada ah, “Waxaannu ku jirnaa xaalad adag, laakiin waa inaanu adkaynaa sidii aanu u xalin lahayn, waxaanan hubaa inaanu guulaysan doono.”ayuu yidhi Madaxweyne-ku-xigaanku.

Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya waxa uu ka hadlay khasaaraha ka dhashay weerarka, waxaannu yidhi, “Dhimashada hadda aanu haynaa waa lix qof iyo 63 dhaawaca oo lagu dawaynayo cisbitaalka Kenyatta oo 11 ka mid ah dhaawacoodu xunyahay.”

Dawladda Kenya waxay weeraradaas dusha ka saartay kooxda Al-shabaab ooh ore ugu hanjabtay Kenya ka dib markii ay ciidammo u dirtay dalka Somalia badhtamaha bishii October ee 2011, si uga takhalusaan kooxda Al-shabaab oo ay ku eedaysay inay khatar ku yihiim ammaanka dalkeeda.

Berberanews.com

Email,info@berberanews.com