Afganistan: lix ka mid ah ciidammada dalka Britian oo ku dhintay qarax

Afganistan-(Berberanews)-Lix askari oo ka mid ah ciidammada xuladafa NATO ee ku sugan dalka Afganistan, ayaa ku naf waayay qarax bam oo lala beegsaday gaadhi ay saarnaayeen gobolka Helman.

Ciidammada ku dhintay qaraxu waxay ku sugnaayeen shiidaal ka qaadanayeen degmada Gereshk ee Gobolka Helman markii qaraxu haleelay gaadhiga ay wateen, kaasoo noqonaya khasaarihii ugu weynee ee soo gaadha ciidammada Britian ka jooga Afganistan shantii sano ee u danbaysay, sida ay sheegtay wasaaradda gaadhaandhiga Ingiriisku.

“mid ka mid ah gaadiidka dagaalka ayaa khasaare masiibo ahi haleelay markii gaadhigii ay wateen uu qaraxu qabsaday.”sidaa waxa lagu yidhi war ka soo baxay wasaaradda gaashaandhiga Britian.

Raysal-wasaaraha Britian David Cameron oo la hadlay idaacadda BBC-da, ayaa sheegay inay maalin murugu u tahay dalkiisa, “Tani waa maalin niyadjab weyn ku ah dalkayaga, oo murugo leh, dabcan qoyasaska ay ka dhinteen.”ayuu yidhi David Cameron.

 Britian waxa ka jooga dalka Afganistan 95,500 oo ka mid ah hawlgalka ciidammada NATO ka wadaan dalkaas, kuwaasoo dhimashadan u danbaysay ee maanta soo waajahday ka dhigayso tirade ciidammada kaga dhintay Afganistan 400 tan iyo intii uu bilaabmay duullaankii uu xukunka kaga tuuray kooxda Daliban sanadkii 2001.

Berberanews.com

Email,info@berberanews.com

Wakaalladaha wararka