Wefti ka socda Midawga Yurub oo maanta booqasho shaqo ku yimi Caasimadda Somaliland ee Hargeysa

Hargeysa-(Berberanews)- Wefti balaadhan oo ka socda Midowga Yurub  ayaa Maanta Booqasho shaqo ku yimid Caasimada Somaliland ee Hargaysa.

Weftigan waxaa garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airpote ku soo dhaweeyay Wasiirka Wasaarada Macdanta,Biyaha iyo Tamarta ee  Somaliland  iyo Madax kale oo ka tirsan Xukuumada Somaliland.

Wasiirka Wasaarada Macdanta,Biyaha iyo Tamarta ee Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale oo warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee Madaarka Caasimada ayaa sheegay in ujeedada socdaalka weftigani ay salka ku hayso sidii ay qalinka ugu duugi lahaayeen heshiis ku kacaya Shan iyo Sodon Milyan oo dollar kaas oo ay ujeedadu tahay sidii biyo loogu soo saari lahaa Magaalooyinka waaweyn ee dalka .

Dhinaca kale Weftigan ka socda Midowga Yurub oo Maanta ka soo degay Madaarka Diyaaradaha ee Cigaal International ee Caasimada Hargaysa ayaa booqasho ku tegeen dugsiga hoose dhexe ee Faadumo biixi waxaana halkaas warbixin ku siiyay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Mudane Cali Xaamud Jibriil iyo Maamulaha dugsiga Hoose dhexe ee Faadumo biixi oo lagu magacaabo Naasir Jaamac Bulaale waxaanay sheegeen in dugsigan oo la aasaasay sannadkii 1996kii ay ka baxeen arday aad u badan isla markaana ay xaaladiisu marayso meel aad u wanaagsan.

Weftigu waxay soo indho indheeyeen fasalada kala duwan ee Iskuulkani ka kooban yahay          

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.