Quwadaha adduunka iyo Germany oo isku raacay in dib loo bilaabo wada-hadalka Nuclearka Iran

Tehran-(Berberanews)-Midowga Yurub ayaa maanta daboolka ka qaaday in quwadaha adduunku isku raaceen wareeg  cusub oo wadahadal ku saabsan qaddiyadda Nuclearka Iran, iyadoo sidoo kalena waxa la sheegayaa in Iran ogolaatay baadhayaasha inay booqdaan goob looga shakiyay inay ka socoto farsamayanta nuclear sir ah.

 Madaxa siyaasadda Arrimaha Debedda Midowga Yurub Catherine Ashton, ayaa sheegay in shanta xubnood ee joogtada Golaha Ammaanka iyo Gemany isku raaceen in dib loo bilaabo wadahadalka nuclearka Iran, iyadoo wadahadalkii u danbeeyay eeJanuary  2011 uu guuldaro ku dhamaaday.

Mr. Catherine Ashton, ayaa hadalka uu soo saaray waxa uu sheegay inuu ku rajo weynyahay in Iran “inay qayb ka noqon doonto qaab  lagu joogteeyo wadahadal midho dhal ah oo keeni doona horumar dhab ah oo lagu xaliyo wallaaca mudada dheer soo jireenka ahaa ee bulshada caalamku ka qaybto Nuclearka Iran.”

Dawladda Maraykanka iyo xulafadeedu waxay shaki weyn ka qabaan inay Iran ku hawlantahay isku-day ay ku sammaysanayso hubka Nuclearka ah. Halka Iran ay markasta dafirto eedahaas, kuna adkaysata inuu Nucelarkeedu yahay mid nabadgelyo ku dhisan.

Wakaalladaha Wararka

Berberanews.com

Email,info@berberanews.com