Midowga Yurub oo Somaliland ka bilaabay mashcruucii ugu weynaa ee biyogelinta magaalooyinka qaarkood oo ay ku baxayso lacag dhan 28 milyan oo dollar

Hargeysa-06-March-2012- (Berberanews)- Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaacii (Saylici), ayaa xadhiga ka jaray bilowga mashaariic biyo-gelin loogu sammaynayo magaalooyinka  Hargeisa, Wajaalle, Burco iyo Ceerigaabo oo ay ku baxayso lacag dhan 28 milyan oo dollar.

 Daahfurka Mashruucan oo uu maalgelinayo Midowga Yurub,laguna qabtay magaalada Hargeisa,  waxa ka soo qaybgalay saraakiil sar sare oo ka socda EU oo ay ka mid tahay  Xidhiidhiyaha Koonfurta iyo bariga afrika u qaabilsan EU-da Mrs. Isbel Faria De Almeida.

 “Waxaan maanta farxad weyn ii ah in mashruucan qiimaha weyn leh oo wax ka taraya nolasha bini’aadam faro badan oo reer Somaliland ah oo runtii aniga iyo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ah raggii loo doortay qarankan sanad iyo badh ka hor, waxa farxad aad ah noo ah inaanu maal-gelin u helay biyo balaadhintii caasimadda Somaliland iyo sadex magaalo oo kale oo aan runtii odhan karo farxaddaasi iyo mahadaasi ILAAHAY kasakow waxa leh midowga Yurub ee ku deeqay mashruucan, si nolasha dad badan oo runtii nolasha ugu adag biyo ku caba inay biyo nadiif ah helaan ayuu mashruucani ku saabsan yahay.” Sidaa waxa yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo farxad ku qaabilay mashruucan.

Madaxweyne Ku-xigeenku waxa uu sheegay in mashruucan ay ka faa’iidaysan doonaan ku dhwaad hal milyan oo caasimadda ku nooli inay biyo nadiif ah helaan iyo weliba dadka ku nool saddexda magaalo ee kale.

Madaxweyne-=ku-xigeenka Somaliland waxa uu sheegay inuu mashruucani noqonayo kuu ugu weynaa ee dalka laga hirgeliyo, “Mashruucani waa mashruucii ugu balaadhnaa ee ka hirgala dalka waayo, wuxuu taabanayaa nolasha bini’aadamka waxaanu wax ka bedelayaa Kumanaan qof oo reer Somaliland ah. Waxaan leeyahay midowga Yurub walaalayaal noo hirgaliya waxa la yidhaahdaa oo Soomaalidu ku maah-maahdaa dhicisku inta birta loo soo sido ayuu ka bakhtiyaaye. 60% ayaan qabnaa inaanay biyo ku filan helin magaalooyinkan. Waxaan idinku dardaarayaa waad na siiseen hantidii ee waa inay hawshu hore u qabsoonto,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenku.

Wasiirka Macdanta iyo biyaha Somaliland Md. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa sheegay inay hirgelinta mashruucan abaal weyn ugu hayo Midowga Yurub, waxaannu ka warbixiyay marxaladihii mashruucu soo maray  “Waxaan doonayaa inaan halkan ka sheego markii aanu sanad ka hor Nairobi kula shiray qaadhaan-bixiyeyaasha sida Maraykanka, Midowga Yurub, wadamada Asia iyo wadamadda carabta ee aanu u soo bandhignay kana dalbanay biyo balaadhinta Hargeysa, waxa kale oo ka jawaabay dalabkayagii midowga Yurub waxaanan taasi ugu haynaa xushmad aad u weyn.”ayuu yidhi Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email,info@berberanews.com