Maxkamadaha iyo Saldhigyada Booliska Hargeysa oo khatyaan ka taagan Dhalinyaro Koox-koox u dagaallamaya iyo 20 la Xukumay

“Khaati waxa laga taagan yahay innamadaa yar-yar hawl kasta iyo shaqadii Boolisku iyaga ayay ka socon la’dahay…” Madaxa Baadhista Saldhigga Booliska Iftin Barre BileHargeysa-(Berberanews)- Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa shalay xukun ganaax lacageed ah ku fulisay 22 Wiil oo dhalinyaro ah, halka 20 kale oo dhalinyaro ahina xukun-sugayaal ku yihiin Saldhigga Booliska Gurya-samo ee Degmada Maxamuud Haybe, ka dib markii ay kooxo isu laayeen.

Dhaliyarta shalay la xukumay iyo kuwa xukun-sugayaasha ah ayaa ka kala tirsanaa laba naadi oo ka mida kuwa ciyaaraha Kubbadda Cagta ee degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Axmed-Dhagax ee magaalada Harbgeysa. Maxkamadda ayaa qaybta shalay la horkeenay oo ay midkiiba ku xukuntay lacag dhan toddoba boqol oo shilinka Somaliland ah (700,000). Iyada oo ay Maxkamadda ka soo xaadireen Waalidiin Hooyooyin u badan oo ubadkooda ka daba-yimi.

“Waxaan u digayaa dhalinyarada koox-kooxda isu dilaya ee meelahaas rabshadaha ka sameeya, waxaanan u sheegayaa inay xukunno adag la kulmi doonaan  oo aan mar dambe  la ganaaxi doonin. “Waxaan waalidiinta ugu baaqayaa inay carruurtooda la socdaan oo ay dabo-gal xooggan ku samayaan, maaha in waalidku Saldhigyada iyo Maxkamadaha hortooda ka  calaa-calaan, waanan ognahay in Waalidka dhibtu ku dhacayso marka ilmihiisu dhibaato la yimaaddo, waxaase habboon inay xoogga saaraan tarbiyaddiisa.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Hargeysa Cabdirashiid Maxamed Maxamuud (Durraan) oo Weriyeyaal ka tirsan Wargeyska Ogaal oo wakhtigii Xukunkaasi dhacay ka dib wax ka weydiiyey Guddoomiyaha qaabka xukunku u dhacay iyo dembiga dhalinyarta faraha badan lagu soo eedeeyey.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex Cabdirashiid Durraan, oo ka hadlayey tirada dhalinyarta la xukumay iyo inta xukun-sugayaasha ku ah Saldhigyada, waxa uu yidhi; “Waxaa la ganaaxay 22 Dhalinyaro ah oo midkiiba lagu ganaaxay 700,000 Somaliland Shillin ah. 20 kale oo dhalinyara ahina waxay ku xidhan yihiin Saldhigga Booliska Guryo-samo ee Degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa, iyagana tallaabo ayaa laga qaadi doonaa.”

Cabdirashiid Durraan Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Hargeysa waxa uu sheegay in markii ay tashi ka yeesheen Maxkamad ahaan, isla markaana eegeen dhalinyarada la xukumayey oo dhammaantood wada Ciyaala-Iskuul ah inay naxariis u muujiyeen si aanu wakhtigii waxbarashadu uga lumin, isla markaana inay xadhig ku xukumaan ka door-bideen in lacagtaa toddobada boqol ah midkiiba lagu xukumo, taasoo maalmaha toddobaadkan marka waalidku bixiyo dhammaan la sii-deyn doono inta shalay ganaaxa lagu xukumay.

Geesta kale, waxay Weriyeyaasha Wargeyska Ogaal ka socday arrintan wax ka weydiiyeen Baadhaha Saldhigga Booliska Iftin ee degmada Axmed-Dhagax oo Maxkamadda horkeenay shalay 22-ka Wiil ee xukunka ganaaxa lacageed ah lagu riday Barre Bile. “Waxay ahaayeen Naadiyada Kubbadda cagta Ciyaara, waxa la yidhaahdaa esimilan(Acmilan) waxay u kala baxaan October iyo Jameecada, markaa waa ay is laayeen Islaambay dhaawac u gaysteen, markaa khaati waxa laga taagan yahay innamadaa yar-yar hawl kasta iyo shaqadii Boolisku iyaga ayay ka socon la’dahay.” Sidaa ayuu yidhi Baadhaha Saldhigga Booliska ee Iftin Barre Bile.

Barre Bile waxa uu sheegay in khatyaan laga taagan yahay dhalinyarada koox-kooxda u dagaallamaya, kuwaasoo uu xusay inay culays badan ku hayaan hawlihii kale ee ay ciidanka ammaanku qaban lahaayeen. Baadhe Barra Bile oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi; “Markaa, waxa loo baahayn yahay in hawlahooda aad loo adkeeyo, waxay ahaayeen laba nin oo is dilay lama garanayo waxay isku dilayeen aan ahayn shankun oo shilling ayay waxaas oo rabshada u sameeyeen iyaga oo ku kala helaya Kubbadda lacag. Hadda tirada xidhan waa labaatan dhinac waxa ka xidhan 9, dhinac 11 ayaa ka xidhan, mar wax.”

Barre Bile waxa uu sheegay in sababta loo soo xidhay dhalinyaradaa ay ahayd fal amni-darro ah maaddaama oo ay dhinacyo u dagaallamayaan iyo khasaaraha ay gaadhsiiyeen qof Dumara oo da’ ah.

Xigasho Ogaal.